Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Dastuurka Umadii Lahayd Laga Qariyay Wuxuu La Midyahay Gabadh Meherkeedii Laga Qariyay(Daawo Maqal Muuqaal).
Muqdisho(Allssc): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa hadalo kulul ku weeraray dastuurka qabyo qoraalka iyo guddigii soo diyaarisayba.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hadal meel fagaare ah uu ka jeediyey waxa uu ku tilmaamay guddigii ka soo shaqeysey dastuurka qabyo qoraalka ah inaysan waxba aqoon ayna u baahan yihiin in loo higaadiyo magaca caasimada dalka ee Muqdisho.
Gudoomiyaha Gobolka banaadir ayaa sheegay in umada Somaliyeed laga qariyay Dastuurkii lagu dhaqi lahaa, waxana uu yaab ku tilmaamay sababta looga qariyay Dastuurka ,w axana uu ku tilmaamay in Dastuurka umada Somaliyeed laga qariyay uu la mid yahay Gabadh maherkeedii laga qariyay.
Dhanka kale Madax Dhaqameedka Somaliyeed ayaa shalay Dowlada TFG uga digay faragalinta ama DaDajinta ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraal, waxaana Madax dhaqameedku codsadeen in ay sifican uga baaraan dagaal Dastuurka iyaga oo isha ku hayo qodoba ay ka mid yihiin Diinta,Xuduudadaha, Madaxda Dalka Hogaamindoonta Shuruudaha laga rabo kuwaas oo mad madow fara badan ku gadaaman yihiin.
Halkan Hoose Ka Daawo
Maxamed Wali Muqdisho
Allssc Office Muqdisho Somalia
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=33095












