Faroole Oo Suldaan Saciid Iyo Cabdulahi Dabagooye U Adeegsanaya FurFurka Isimada Khaatumo State- Iyo Kalafirdhinta Gobolada SSC(Full Waxbixin)
Garoowe(Allssc): Sida ay nagu soo gaadhayaan wararka ka imanaya Garoowe ayaa sheegaya in Faroole si deg deg ah ugu yeedhay teleohone Suldan Siciid Iyo Cabdullaahi.
Yadoo labadan isim markii hore ay ku sugnaayeen magaalada Ducmo ee dowlad deegaanka Ethiopia, halkaasi oo ay ku dhexdheaadinayeen labadii beelood ee walaalaha ahaa ee dirirtu dhex martey.
Suldaan Siciid Iyo Cabdullaahi ina Dabagooye, Ayaa la sheegayaa in ay iskaga soo tageen magaalada Docmo yadoo markaasi aan raali laga wada ahayn dhamaan Isimo,Waxgarad, Iyo labada beelood ee walaalaha ah ee is dirirayba, Yadoo halkaasi ay labada beelood ee halkaasi isku hayeen ay labadan isim ku yiraahdeen:- Ha iskaga Kaaya Bixina, Meeday nabadeyntii aad u timaadeen.
Sidoo kale Isimadii Iyo Waxgaradkii meeshaasi ku sugnaa ayaa dardaaran iyo talgelin siiyay, Sikastaba ha ahaatee labadan isim ayaa la sheegay in ay halkaasi iskaga tageen yagoo markaasi la sheegayay in si dhakhso ah uu ugu wacaey Faroole.
Hadaba waxaanu wareysi la yeelaney mid ka mida dadka bulsha weynta reer Khaatumo State oo markaasi Garowe ku sugan islamarkaana Howl Shaqo u joogay ahna Ganacsato, Yadoo uu sheegay in aan Magaciisa Saxaafada loo gudbin wareysina siiyey Allssc.com.
Waxaana uu hadalka u dhigay sidatan:- Suldaan Siciid Iyo Cabdillaahi Daba-Gooyewaxaa u yeedhay Faroole Si ay uga qeyb qaataan fur furka Isimada Khaatumo State.
Wariye:-Wax warbixina ma ka haysaa arrinka uu ka lahaa Faroole labadan isim?
Ganacsade:-Wallaahi waxaa Garoowe laysla dhexmarayaa in Faroole u yeedhay labadan isim yadoo markaasi dadku leeyihiin wuxuu doonayaa in uu u diro Mugdisho.
Wariye:-Hawl noocee ah ayuu ugu wadaa Mugdisho Faroole labadan isim?
Ganacsade:-Si uu u furu furo isimada Khaatumo State ee Mugdisho ku sugan?
Wariye:-Miyaan hada kahor laga soo celin Odayaashii Faroole watey ee markaasi uu madax dhaqameedada uu ku magacaabey?
Ganacsade:- Haa laakinse hada wax badan oo kale ayaa jira, Sida aynu wada ognahay maanta waxaa yimid Augestine Mahiga magaalada Garowe yadoo uu kalsoonida maantana uu Faroole Mahiga heli karo.
Wariye:-Sidee looga soo dhaweeyay Garowe labadan isim markii ay yimaadeen?
Ganacsade:-Waali aad iyo aad ayaa looga soo dhaweeyay, Ugu horeynba waxaa soo dhaweeyay Faroole, Ileen dan ayaa laga leeyahaye.
Wariye:- Sidee u aragteen intiina reer Khaatumo State ah ee Garowe ku sugan Ganacsato,Gaadiidleey hadaad tihiin?
Ganacsade:-Aad iyo Aad ayaan uga xunahay,Runtii waa wax laga xumaado,Isimadayadii oo Garowe dilaalnimo u imanaya,Awood ayaanan hayne dhagax ayaanu ku dili lahayn.
Wariye:-Aad Iyo Aad ayaad u mahadsan tahay Ganacsade, Waanuna Ku Salaameynaa Wallaal.
Kaasina wuxuu ahaa mid ka mida ganacsatada ku sugan magaalada Garowe ee markaasi kasoo jeeda Bulshaweynta reer Khaatumo State, Oo FaahFaahin naga siiyey Arrimo la xidhiidha Socdaalka Suldaan Siciid Iyo Cabdillaahi oo hada ku sugan Garowe,Kadib markii Faroole halkaasi ugu yeedhay si ay ugala qeyb qaataan fur furka uu ku hayo midnimada gobolada SSC Iyo Sharafka Umada Reer Khaatumo State.
Hadaba wixii warar ah ee intaasi dheer waan idinla soo socodsiindoonaa sidaasi iyo nabadgelyo.
Short URL: http://allssc.com/?p=33915













