Faroole oo shaqadii ka cayrinaya inta badan calooshood u shaqeystayashii ka soo jeeday Sool(Xog muhiim ah)
Garoowe(Allssc)Warar naga soo gaaray Madaxtooyada Faroole ee magaalada Garowe ayaa noo xaqiijiyay in Faroole laga yaabo in uu shaqada ka eryo gaar ka mid golaha wasiirada ee maamulkiisa una badan kuwo ka soo jeeda gobolka Sool.
Wax loogu yeedhay isku shaandheyn ayaa la filayaa inay caawa waqti dambe [saacadda Soomaaliya] soo baxdo. Waxay isku shaandheynta la xiriirta booqashadii kediska ahayd ee Faroole maanta ku tagay xarumaha ay degan yihiin wasaaradaha oo uu ka waayey wasiirada qaarkood taasoo Faroole uu doonayo in uu mar marsiiyo ugu dhigto cayrinta wasirada u shaqeyn jirey.
Wasiiro aan soo laaban doonin
Ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada oo ay u suurtagashay inay liiska arkaan ayaa noo sheegay in wasiirada qaar ee hadda xilalka haya laga ceyrin doono shaqada, waxaana ka mid ah;-
1) Khaliif Ciise Mudan- Wasiirka Amniga Iyo Hub ka Dhigista. Wuxuu ka soo jeeda degmada Qardho.
2) Axmed Cali Askar- Wasiirka Warfaafinta, wuxuu ka soo jeedaa gobolka Sool.
3) Xasan Faarax Jaamac - Wasiirka ganacsiga. Wuxuu ka soo jeedaa gobolka Sool.
4) Dr Cali C/laahi Warsame- Wasiirka Caafimaadka. Wuxuu ka soo jeedaa gobolka Mudug.
5) Eng Daahir Xaashi Faarax- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka. Wuxuu ka soo jeedaa gobolka Sool.
7) Maxamuud Xaaji Saalax- Wasiirka Beeraha. Wuxuu ka soo jeedaa gobolka Sool.
6) Siciid Maxamed Raage- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Wuxuu ka soo jeedaa gobolka Bari (Warar ayaa sheegaya in liiska wasiirada la ceyrinayo lagu soo daray inay wax isbedelaana waa dhici kartaa).
Wasiirada sii joogi doona
Sida xogtan nagu soo gaartay, Waxaaan jagooyinkooda sii joogi doona wasiiro dhowr, waxaana ka mid ah:-
1) Caasho Geelle Diiriye (Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska)
2) Cabdi Faarax Juxa (Wasiirka Waxbarashada, kana mid ah ragga aadka ugu dhow madaxweynaha, qaraabo dhowna ay yihiin).
3) Gen C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir (Wasiirka Arimaha Gudaha, Dawlaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga). Gen Ilkajiir waxa lagu tilmaamaa inuu metelo sida wasiirka arimaha dibadda, waayo safarada M Faroole ku tago dibadaha kama haro, inta badana shirarka caalamiga ah wuu kala qeybgalaa .
4) Daa’uud Bisinle (Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga. Daa’uud waa wadaad ka soo galay maamulka dhanka Jaamacada Bariga Afrika waana xulufada madaxweyne Faroole).
Wasiirada la ceyrin doono boosaskooda ayaa la filayaa in Faroole u magacaabayo shakhsiyaad cusub, iyadoo sidoo kale rag hadda wasiir ku xigeeno ah loo dalacsiin doono wasiiro.
Isku shaandheyntan waxaa lagu fasiray inay hordhac u tahay mudada Faroole damacsan yahay inuu xafiiska sii joogo taasoo ka bilaabaneysa marka la gaaro 8-da Janaayo 2013 oo waqtigiisa afarta sano uu ku dhamaanayo si loo dardargeliyo wasaaradaha maamulka. Hase yeeshee waxaa kaloo jira in wasiirada qaar si weyn loogu dhaliilay xilgudasho la’aan, gaar ahaan amaanka iyo warfaafinta oo si gaar ah ilo wareedyadu farta ugu godeen.
Doodii baarlamaanka ka dhacday toddobaadkan ee xukuumadda lagu eedeeyay wax qabad la’aan ayaa sidoo kale la sheegayaa inay soo dedejisay iskushaandheynta Faroole uu soo wado.
Siyaasada Faroole ayaa ku dhisan in gabi ahaanba G/sool iyo Cayn lagu wareejiyo SNMta, isagan uu sheegto goboladaas si uu ugu helo dhaqaalo badan oo uu ka helo qaramada midoobey taas uu in yar oo ka mid ah uu guno uga dhigo rag isaga u magacaaban wasiiro balse aan metelin dadka ka soo jeeda Khaatumo.
Cismaan Qandala
Garoowe Allssc
Short URL: http://allssc.com/?p=33778












