Faroole oo aad u faaney Caawa (Dhageyso)
Garowe (Allssc) Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa isku tilmaamay inuu yahay shakhsiga ugu khibrada badan marka loo eego siyaasiyiinta Soomaalida ee hadda faraha kula jira talada dalka, sida uu hadalka u dhigay.
Faroole ayaa wareysi uu maanta siiyey BBC-da ku sheegay in isaga uu u soo joogay dawladihii kala duwanaa ee soo maray Soomaaliya laga soo bilaabo xilligii xoriyada illaa waqtigii burburka dalka uu ka dhacay, wuxuuna tilmaamay inuu wax badan ka og yahay siyaasadda dalka.
“Anugu inta hadda joogta maamulada dalka dawlada Puntland oo kale, Galmudug, Ahlusuna Waljameeca ragga madaxda ka ah ama kuwa Dawlada dhexe waxaan is leeyahay adigaa ugu waayo aragsan , oo waxaad og tahay wixii Soomaaliya horey uga jiri jiray, illaa 1960-kii baan ka warhayaa, wixii 21-kii sano ciidanka ahaa ayaan si fiican uga warhayaa iyo dhibaatadii dalkaan gaartay, burburkii baan ka warhayaa…” ayuu yiri Faroole oo ka jawaabay su’aal ahayd sida uu isaga naftiisa isu arko.
Madaxtinimada Soomaaliya ma rabaa Faroole?
Waxaa la weydiiyey Faroole bal inuu han ka qabo inuu u tartamo xilka DKMG Soomaaliya haddiina ay dhacdo inuu isu sharaxo xilkaasi wuxuu ku jawaabay inuusan rabin inuu isu sharaxo madaxweynaha Soomaaliya.
“Aanuguna raga doorasho iyo xukun u ordaya kamid ma ahi” ayuu ku jawaabay.
Wareysiga uu siiyey BBC-da wuxuu Faroole ku dhaliilay hanaanka hadda loo wado geedi socodka ansixinta dastuurka isagoo si gaar ah u dhaliilay madaxda ugu sareysa DKMG ah oo uu sheeay inay yihiin musharixiin ay xildoonimadooda gaarka ah uga faa’ideysanayaan dastuurka.
“Meelna kuma qorna, heshiisyadii la soo galay in odayaal Xamar lagu hayo” ayuu yiri madaxweyne Faroole oo u muuqday inuu si aad ah uga careysan yahay kulamada dabadheeraaday ee odayaasha dhaqanka ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
“Walwal weyn ayaan ka qabaa in sidii wax loogu talagalay u socon waayaan” ayuu yidhi Faroole.
C/raxmaan Faroole wuxuu saluugay in rag musharaxiin ah oo ay ku jiraan madaxda sare ee DKMG ah ay qorsihii qariirada roadmap-ka ka leexinayaan dhibihii loogu talagalay taasoo uu sheegay inay masuuliyad ka saaran tahay Qaramada Midoobay in ay wax ka qabato.
HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA BBC
Cismaan Qandala
Allssc Garoowe Somalia
Short URL: http://allssc.com/?p=33366
![faroole111[1]](http://allssc.com/wp-content/uploads/2012/07/faroole1111.jpg)












