Fadliga Bisha Ramadaan (Akhriso)
Fadliga Bisha Ramadaan….
Buuhoodle(Allssc)Bisha Ramadaan waa bil khayr, waa bil naxariista Alle (S.W.C.) ay helayaan qof walba oo Muslin ah oo u hogaansamay adeecayna Alle iyo Rasuulkiisii s.c.w.
Bisha ramadaan waxaa ilaahay ku gooni yeelay, Naxariis,Nimcooyin Fadiilooyin iyo Wanaag badan. Waxaana ka mida ku wan soo socda:
1- Bisha Ramadaan waa bishii Quraanka:
Waxaa la soo dajiyey kitaabkii ugu dambeeyey ee lagu Khatimay kutubtii uu ilaahay soo dajiyey,
waxaan lagu soo dajiyey Nabigii u dambeye Nabiyaashii iyo Rasushii ilaah soo diray Suubane Nabigenii MOHAMMED s.c.w.
2- Waa bishii kutub badan oo kale ilaahay soo dajiyey sida.
Habeenkii ugu horeeyey bisha Ramadaan waxaa la soo dajiyey,
Suxuftii (warqadihii Nabi Ibraahin)
6 Ramadaan Kitaabkii Tawreet:
13 Ramadaan Kitaabkii Injiil:
18 Ramadaan Kitaabkii Zabuur:
24 Ramadaan waxaa lagu Khatimay kutubtaas oo dhan kitaabka qurqqnkq Kariima:
3- Bisha Ramadaan waa bisha habeenka (Laylatul-qadrigu), waa bisha xoreynta, dad badan Naarta Alle ka xoreeyo, waa bil dambi dhaaf qofkii kasbada,waa bisha la xiro Shayaadiinta iyo Albaabada naarta, ee la furo Albaabada Janada.
Hadaba sidee lagu heli karaa arimahaa Alle s.w.c.iyo Rasuulkiisii s.c.w inoo sheegeen? Soon oo u soon sidii Alle iyo Rasuulkii s.c.w. ku faree
SOONKA
Sida aynu wada ogsoonahay soonku waa tiirka afaraad ee islaamka,wuxuuna ka mid yahay Cibaadooyinka fadliga badani ku soo arooreen, wuxuuna ku waajiba qof kasta oo muslin ah qaangaarna ah, caqligiisuna joogo, Marka laga reebo qofka musaafirka ah iyo qofka waalan ee aan caqligiisu joogin, Gabadha qabta (Nifaaska) aynu u naqaan dhiiga Cadada, qofka dumarka ah ee Umusha ah ee qabta xayga I.W.M.
Xusuusnow: walaashayda Muslimada ahay in ilaaay shuruuda naxariiseed ku xiray arimahaa kaa kuseeya Soomidaada.
Dada badan oo muslin ah oo ku noo wadamada Europe, Noord -America, ayaa waxay u yaqanaan qaangaarka 18jir iyo intii ka weyn, Ilaahay iyo Rasuulkisii waa inoo shegeen dada qaangaarka ilaahay ha loo noqdo oo ha laga baxao jaahiliga, oo ha layska daayo figradaha gaaladu ay ku khaldayaan Umadaha Muslinka ah.
Aan u soo noqono Mowduucaynii, Soonku waa in la niyeysto iyadoo Alle loogu dhawaanayo,lagana reebtoomayo oo laga fogaanayo wax yaabaha soonka Buriya,inta u dhaxaysa marka waagu baryo iyo marka qoraxdu dhacdo, si loo gaaro ajarka weyn oo Ilaahay ugu talagalay Adoomadiisa soonka la yimaaday,
Hadii aan lala imaan niyad ama laga reebtoomin waxyaabaha soonka jabiya (Buriya) sharuudihii Alle iyo Rasuulkiisu nafareen uma aqoosana wax lala yimid soon sax ah. shuruu soonkajabiya(Buriya)Sharuudihii Alle iyo rasuulkisii nafareen uma aqoonsanayaan waxa la layimaaday in ay yihiin soon sharciya.
Sidaa daraadeed qofka muslimka ahi isagoo aan niyo la imaan hadii uu iska daayo waxyaabaha soonka jabiya(buriya) oo dhan, sida Cabida, Cunada, Galmada, IWM.
Falkaa uu la yimid iyo rafaadkaa uu maray, ma naqonayo mid loogu dhawaaday Alle(sw)
Ajarna kama helayo,
Marka tusaale ahaan u soo qaadano: dadka cunta joojinta sameeya iygoo raba arin ay rabaan inay garaan, ama dadka ka cawada miisaanka (Cayilka) si ay isu cateyaan,ama duruufo kale oo haysta awgood isaga joojiya Cuntada, Arimahaas aan soo sheegnay oo dhan ma soo geliyaan shuruudaha soonka qofka muslinka ah laga doonayo,ee Alle iyo Rasuulkisii scw, nafareen.
Rabi halga baqo oo aan u soono sidii uu na faray Alle (S.W.)
Waqtigii la waajib yeelay soonka iyo hererkii uu soo maray !!
Bishii shabcaan oo ku beegan sanadkii 2aad ee hijradii Rasuulka (scw) ayaa la waajib yeelay SOONKA:
Soonku wuxuu soo maray marxalada kala duwan ,wagii hore waxaa la soomi jiray (10-bisha Muxarram) ee dadkeena somaaliyeed u yaqanaan (Sako). Waxaa kale oo la amray in qofku laba arimood miduudoona samayn karo.
b- inuu Soomo
t- inuu Sadaqo labaxo oo quudiyo Masaakiinta
Waqti ka dib ayaa waxaa soo degtay aayadda boqol sideetan iyo sadex, (183- Suurada Al-Baqarah) oo ka hadlaysa in Ummadeenna lagu farad yeelay Soonka, sidii ummadihii inaga horeyey oo kale, markaa ayaa Rasuulku (s.c.w.) isagoo ka hadlaya soomidii maalinta tobnaad ee bisha aan soo xusnay ayuu wuxuu yiri (qofkii rabaa ha soomo qofkii rabaana ha iska daayo) wajibnimadeedii layna waajibiyey halkaas ayey ku dhamaatay, sida Quraankuba noo sheegay.
Fadliga Ramadaanka:
Ayaadah iyo xadiista ku soo aroortay, oo ka hadlaya fadliga iyo xasanaadka bisha ramadaan (soonka)
Ma’aha mid aan ku soo koobi karo qoraalkaygan, balse aan soo qadano qaybo ka mida:
1- Soonka Jannada ayaa lagu galaa, waxaa laga weriyey saxaabi la yiraahdo, Abuu Umaama (a.k.n) inuu Rasuulka (s.c.w.) ku yiri .
‘waxaad itustaa camal aan janada ku galo, markaas ayuu Rasuulku(s.c.w.) ku yiri soonks qabso oo ka adkow, wax isaga lamida majiraane (waxaa weriyey,Nasaa’i, ibnu xibaan,iyo xaakim (dar.saxiix)
2- Soonku waa Gashaan uu addoonku iskaga xejiyo Naarta, soonku wuxuu kala dhex galaa addoonka sooman iyo naarta.
3- Dadka soomani waxay leeyihiin allbaab allbabada janada ka mida oo la yiraahdo ( Ray-yaan) allbaabka dadkii Alle dartiis u soomi jiray Uun baa loo diyaariyey oo gelaya, cid kalena geli mayso, Sida ku xusan Bukhaari iyo Muslim.
4- Soonku waa camalka kaliya ee u qarsoon alle iyo adoonkiisa, oo Alle ku farxo.
Xasuus : walaalkayga/walaashay, Muslimada ahay quraanka lagu soo jeedo waqti welba gaar ahaan bisha Ramadaan, uu Quraanku u shafeeco qaadayo (Maalinta Qiyaame) qofkii akhrintiisa ku dadaali jirey kuna lumin jirey waqtigiisa inuu janno ku gelayo qofkii wanagaa Sameyey xaladiisu wataa aan soo xusnay.
Lakiin qofkii ku soo jeeday, Turub, Dubnad,Qaad, iwm. Waa inuu ogadaa arimahaas inuu kheyr iyo jano Alle s.w. uga helayn,
Xasuusnow Walaal,adiga iyo anigaba ilaah ha ina hanuuniyee in qofka,ajarkaa iyo fadligaa weyn helaya inuu yahay qofkii bisha barakeysan Ramadaan sooma, isagoo raacaya sidii Rasuulku s.c.w. u jideeyey in loo soomo!
Soonku waxaa uu ka kooban yahay laba tiir:
Soonku wuxuu ku dhasinyahay laba tiir, hadii mid kamida laga tago uu dumayo.
1- In laga reebtoomo oo laga fogaado waxyaabaha soonka jabiya (Buriya) wakhtiga qoraxdu soo baxdo ilaa inta ay ka dhacayso,
2- Sida aan horay u soo xusnay in lala yimaado niyad (Camalka waxaa asal u ah niyada) waayo niyadu waxay kala saartaa wax yaabaha cibaadada ah iyo kuwa aan cibaadada ahayn oo aan loogu talagelin in Ilaahay loogu dhawaado:
Fiiro Gaara: Walalayaal waxaa jira erayo badan oo aan soo gaabiyey ee sidan ha loo tixraaco.
Alle S.W. = Alle subxaana watacalaa.
Nabiga/Rasuulka S.C.W.= Salalaahu Caleyhi Wasalam.
a.k.r = Allaha karaali noqdo (Asxaabtii Rasuulka s.c.w. ee Alle Oofsaday (dhintay)
iwm = iyo wixii lamida
Gunaanad: Waxaan Allaah Subxaana Watacalaa ka baryayaa inuu Camalkayga ka dhigo mid u barax tiran oo u gaar ah Alle daacad ah, anfacana dhamaan walaladayda Somaaliyeed meel iyo waa’ay jogaanba,
Salama Caleyku wwbr
W/Q.Walaalkiin aad ku walaalowdeen islaamka
Maxammed Cawed Cabbaas
Amesterdam (Netherland)
Xafiiska Wararka Shabakada Allssc
Rashiid Kayse Cawil”Khaatum”
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn
Short URL: http://allssc.com/?p=34561












