FADLAN KA QEYB-QAATA MASHRUUCA DHISMAHA XARUNTA AGOONTA BUUHOODLE.
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo
Nabadgelyo(Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa)
camal kheyrka ayaa ah waxyaabaha mudnaanta gaarka ah
Raxmaanka agtiisa ku leh siiba daryeelka agoomaha oo
xil gaar ahaaneed ka saaran yahay bulshada eey meesha
kula nool yihiin waana arrin imtixaan weyn ku jiro oo
Raxmaanku ku eegaayo adoomihiisa(Basharka).
iyo camal kheyr dhiiri geliye waxaan qormadan kooban ugu talo
galay Mashruuca dhismaha xarunta Agoomaha degmadda Buuhoodle
oo sida aad ka arki doontaan lifaaqan maqal iyo muuqaalka ah
la dhagax dhigay,arrintii waa tallaabo qiimo weyn leh kuna
turjumeeysa baahida loo qabo dhismaha xaruntaas kheeyrka ku
saleeysan oo hadii Alle idmo lagu daryeeli doono Caruur ah
Agoomo oo isu jira(Wiilal iyo Gabdhaba)mudan tahay ka qeyb-
qaadasho,waxaana nasiib wanaag ah in eey ku soo aaday bisha
barakeeysan ee Ramadaanka iyo waqti xiisado culeeyskooda lihi
ka taagan yihiin degaamadda G/Cayn,qormadan ayaa ah baaq ama
fariin dhanka Camal kheyrka ku saleeysan oo aan halkan uga
gudbinaayo guud ahaanba Jaaliyadda Khaatumo State ee Qurbaha
ku dhaqan(cirafyadda aduunka):-
Hadii eey noqon laheyd Qaaradan Yurub,W/Mareeykanka,Austaraaliya,
Dunidda Carbeed,Qaaradda Afrika ama Dalkeena hooyo gudihiisaba
waxaan si Islaanimo leh,Somalimo leh(Khaatumeysan)ugu baaqaayaa
ka qeyb-qadashada mashruuca dhismaha xarunta agoonta Buuhoodle
oo ahamiyadisa leh eeyna ka faa’iideeysan doonaan ubadka faraha
badan oo waalidkood waayeey(geeriduna waa xaq)Walaalayal fadlan
garta qiimaha mashrucaasu leeyahay ajarka ku jira iyo faa’iidada
uu u leeyahay agoonta sida ugu haboona uga qeyb qaata,waxaana si
gaar ah u xusaayaa-shakhiyaadka ehel kheyrka,gudiyada Jaaliyadda,
daladaha haweenka kartida leh iyo ururada dhalinyarada firfircoon
dhamaanteen Ramadaan Wanaagsan(Alloow raxmadaada,dembi dhaafkaaga
iyo cadaab ka xoreyntii fadliga bisha Ramadaanka noogu deeq-aamiin).
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Jull-15/2012.
Short URL: http://allssc.com/?p=34198














