Dhibaateynta Iyo Tacadibyada Loo Geysto Saxaafada Somaliyeed Oo Hada Ku Sucub Magaalada Buuhoodle, Wariyaha SomalichannelTV Wariye Cali Dhagjer:- Dhibaato Badan Ayaa Lay Geeystaa Intii Aan Ku Jirey Saxaafada Gobolka Cayn(Full Warbixin)
Buuhoodle(Allssc)waxaa beryahanba soconaysay dhibaatooyin ba’an oo loo geysanayay Saxaafada gobolka Cayn, Yadoo dhibaatooyin Tacadib iyo Khasaare loo geysto bahda saxaafada gobolka Cayn oo yagu markaasi ku hadla afka Khaatumo State Of Somalia.
Waxan la xidhiidhney mid ka mida saxaafada qobolka oo isagu ah shikhsiga kaliya ee inta badan dhibaatada gaar ahaaneed loo geysto Wariye Cali Cisman Yuusuf”Calidhagjer” oo ka howl gala Tvga Caalamigaa Somalichannal Tv. Wariye Cali Cisman Yuusuf, Waa wariye ka mida bahda Saxaafada Khaatumo State oo markaasi ka howl gala SomalichannalTv Studio ga magaalada Buuhoodle, Cali waxa uu noo sheegay in dhib badan loo geysto markaasina ay u geystaan dadka yagu kasoo horjeeda midnimada Gobolada SSC, Cali Cisman Yuusuf oo booqasho ku yimid xafiiska Warbaahinta Shabakada Wararka Allssc.com ee magaalada Buuhoodle,Ayaa waxa uu noo sheegay isaga oo hadalka sida tan u dhigay:-
Wariye Rashiid:- Cali Cisman Yuusuf ku soo dhawoow xafiiska warbaahinta Shabakada Allssc.com/ Codka Shacabka SSC.
Wariye Calidhagjer:-Waan dhawahay sxb marka hore aad ayaan ugu mahad celinayaa bahda shaqaalaha shabakada Allssc.com.
Wariye Rashiid:- Cali Cisman, waxaa nagu maqaala in dhibaato badan laguu geeystey intii aad ku jirtey Saxaafada Gobolka Cayn yadoo ay dhibkan kugu hayaan niman yagu ku caan baxay kala firdhinta iyo khilaaf ku abuurida bulsho weynta gobolada SSC, Bal Faahfaahin naga sii arrinkaas?
Wariye Calidhagjer:-Wallaahi sxb in badan ayaan deegaankan ku noolaa runtii dhibaato badan ayaa lay geeystey intii aan ku dhex jirey Warbaahinta yadoo inta badan ay sahlan yihiin dhibka lay geeystaaba.
Wariye Rashiid:- Maxaa ka mida dhibaatooyinka laguu geeysto Cali Cisman?
Wariye Calidhagjer:- Sxb dhibaatooyinka lay geesto waxaa ugu yar Hanjabaad,Foodeyn Yadoo ay ugu weyntahayna Dil jidh garaac ah, oo ay markaasi ka danbeeyaan kuwa yagu horumarka kasoo hor jeeda deegaankan.
Wariye Rashiid:- Cali jidh dilka laguu geeystaa waa mid sidee ma mid aad garaneysid cida kuu geeysatabaa, bal noo faahfaahi halkaa?
Wariye Calidhagjer:-haa sxb hadii aan faah faahiyo jidh dilka lay geeysto waa mid aan garanayo cida ii geeysanaysa, Kuwaas oo ah dad waaweeyn oo la moodo inay sharaf leeyihiin ayaa arinkan igula kacda intay Hub iyo wax la mida ii soo qaataan, Mar marna dhalinyaro yagu aan waxba kala socon arrimaha jira ee dalka ka socda ayay been u soo sheegaan oo ay markaa Ehelo yihiin ku dhahaan soo foodeeya.
Wariye Rashiid:-Cali ma kula qabaan arrinkan Wariyaasha kale ee yaguna ku sugan G/Cayn kala hawl gala Warbaahinaha kale?
Wariye Calidhagjer:-Wallaahi waan isleeyahay balse ma arag wax la dhibayo sida aniga lay dhibo oo kale, Sababo kale awgeed.
Wariye Rashiid:-Waatahay Cali Cismaan hadii aan ku laabto su’aashaydii hore, Wax ma nooga sheegi kartaa cida kuu hanjabta marka aad dirtid war xaqiiq ah oo deegaanka ku saabsan?
Wariye Calidhagjer:-Haa waxaa ka mida cida ii hanjabta marka aan bulshada u adeegaba ee aan diro wararka xaqiiqada ah waxaa ka mida cida ii hanjabta, Ninka ku magacaaban xilka maqaar saarka ah ee ciidanimo ugu magacaaban maamulka Puntland, Maxamud Jamaac Mudhux”Khamriile” Iyo kuwo kale oo badan oo aanan halkan magacooda doonayn inaan ku magacaabo balse dadku iska wada garanayaan, Sabab waa barteen bulshada reer Buuhoodle Shikhsiyaadka xun xun ee dhuunta u galay intey maro cad usoo xidheen Xaajina iskaga dhigey bulshada.
Wariye Rashiid:- Wax ma ka weydiisay sababta uu kuugu hanjabayo mase garan adigu cali?
Wariye Calidhagjer:- Waxa uu iigu hanjabay maalin dhaweyd waad kibirtay wiilkagan yar ee reer Garaad Yaasiin, Hadii aadan wax ka bedelina waxa aad wado iyo bulshada aad u shaqeynayo Waynu is arki doonaa labadeenu, Waxa uu iigu hanjabayaana waa Ka soo horjeeso Shacabka Dega Gobolada SSC ee markaasi sameystay maamulka Khaatumo State Of Somalia, Kuna soo dhisay magaalada Taariikhiga ah ee Taleex.
Wariye Rashiid:- Waan gartay, Cali maxaad go’aansatay markaa adigu hadiiba aad aragtey dhibaatooyin fara badan xaga Saxaafada gobolka cayn iyo Maamulka Khaatumo State, Oo aad markaasi usii daysid wararka dhabta ah ee ka imanaya gobolka?
Wariye Calidhagjer:- Waxaa aniga iga go’an inaanan hawsheyda marna dhimin dadaalkaygana aan wato cidna aanan u joojin, Cidii kasoo horjeeda sharafka gobolada SSC iyo maamulka Khaatumo State, umaduba waa aragtaa hadii laygu khaldamana umada ayaa markhaati ka ah, Balse Hanjabaad anigu Foodeyn anigu hawsheyda ku joogin maayo, Habaarna umadeyda ka galabsan maayo oo war been ah sii deyn maayo.
Wariye Rashiid:- Maxaad Fari lahayd dhamaan umada somaliyeed gaar ahaan Umada reer Khaatumo meelkasta oo ay joogaan iyo Dhamaan Bahda Saxaafada Somaliyeed?
Wariye Calidhagjer:- Marka hore uga somaliyeed waxan fari lahaa in Muwaadinimada lagu dhago Saxaafada dhibaatada laga daayo iyo dilalka gobolada qaar looga gaystaba, Marka xigta Umada reer Khaatumo meelkasta oo ay joogaan waxaan farayaa Sool,Sanaag Iyo Cayn ma kala tagi karaan dadkeedu, waxan leeyahay dhamaan umada reer Khaatumo Maskaxdiina adeegsada oo yaan Maskax kale idinku shaqeysan, Wax qabsada waxaad qabsataan ayaa waxtar idiin ah, Sadex gobol ayaynu leenahay maamulada kale ee somalia ka jira qaar ayaynu ka gobolo badanahay, Yaan layna khaldin.
Wariye Rashiid:- Waad mahadsan tahay Cali Cisman Yuusuf”Calidhagjer” Waana ku salaameynaa sxb
. Wariye Calidhagjer:-Idinkaa mudan, Mahadsanidiin sxb waana idin salaamayaa dhamaantiinba.
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil”Khaatum”
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn
Short URL: http://allssc.com/?p=34503












