Dhegeyso Saado Cali Oo Tirinaysa Degaanda Ay U Tagtey Soomaaliya Inay Booqato ( Khaatumo State iyo SSC Midna Aan Soo Hadal Qaadin!!!!)
Garoowe(Allssc): Ugu horeyn waxay bahda allssc.com u rajaynaysaa Saado Cali Warsame inuu Ilaahay ka kiciyo dhaawaca kasoo gaadhay shilkii baabuur ee ay ku gashay wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Gaalkacyo. Waxaa isa soo taraya sababta dhabta ah ee ay Saado Ugu socotay hoyga Faroole.
Saado waxaa la qorsheynayey in lagu darsado koox gacan ku rimis ah oo Faroole kasoo daabulayey Garoowe si loogu kala jebiyo ergada Khaatumo State ee Muqdisho joogta. Waxaa sida laga warqabo gaadhiga la saarnaa tifatirihii TaleexMedia oo loogu talo galay inuu buun buuniyo tegida Saado ee Garoowe oo ina Calishire tigidhka kasoo bixiyey.
Hadaba shacabka reer khaatumo State oo aan marna ilaawi karin Saado Cali iyo hiilkeedii ay u hiilin jirtey SSC iyo heesteedii Madashu Waa Taleex ee ay u qaaday shirkii Taleex ee lagu askumay maamulka Khaatumo State.
Hadaba su’aasha is weidiinta lehi waxay tahay maxay saado usoo hadal qaadi weyday SSC iyo Khaatumo midna, meesha ay ka magacowday “Somaliland”, Puntland, Galmudug, Xibin iyo Xeeb!!!!!!!!!!
Hoos ka dhegeyso warbixin shilkii baabuur iyo waraysi Saado bixisay oo VOA qaaday.
Halkan Hoose Ka Dhagayso
Cismaan Qandala Allssc Garoowe Somalia
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=34834













