Dayac tir lagu Waday Xafiisyadda dowladda Hoose ee taleex oo La Soo gaba Gabeeyey.
Taleex(Allssc)Waxaa Dhawaanahanba Caasimadda Maamulka Khaatumo ee Taleex ka soconayey Dayactirka guryihii Dowladii Hore ee Soomaliya ay ka Dhacday oo Bur bur Ba’ani Soo gaadhay Mudadii Burburka Dowladii Soomaaliya.
Sidoo kale Guryahan ayaa ahaa kuwo Tan iyo intii u dhaxaysey Burburkii Dowladdii Somaliya iyo dhismihii Dowlad Goboleedka Khaatumo ay daganaayeen dad shicib ahi .
Maamulka Khaatumo ayaa dadkii degenaa Aqaladaasi u raray Guryo ay si rasmi ah u dagaan,sidoo kale waxaa dayactiro lagu bilaabay Guryihii Dowladii Hore ka Tagtay.
Ururadda deegaanka Taleex oo ay Hormuud u yihiin Ururka Daryeel Dalka iyo Dadka ayaa Si rasmi ah u dhameeyey Dayactirka Dhismayaasha Xafiisyadda Dowladda Hoose ee Degmada Taleex,waxaana Warbaahinta Si rasmi ah ugu Sheegtay Gudoomiyaha Ururka Daryeel Dalka iyo Dadka Xafiiskiisa Taleex Rooda Shiikh Axmed Nuur,waxa ayna sheegtay in Ururka Daryeel uu wado qorshayaal kale oo qayb ka ah Hormarinta deegaanka oo ay sheegtay in taleex ay tahay Caasimadii Maamulka Khaatumo State Of Somalia,loona baahan yahay in ururadda bulshadda iyo Maamulkuba iska kaashadaan Sidii loo Dayactiri Lahaa Dhismayaashii dowladii Hore ee somalia iyo Xafiisyadda Cusub ee Maamulku ku shaqaynayo.
Ururka Daryeel ayaa Xafiiskiisa Waxaa la furay Taleex waxaa la furay Horaantii sanadkan 2012 waxaana munaasbadii Furitaankiisa ka qayb galay masuuliyiin Sar sare oo ka tirsan Maamulka khaatumo oo ay kamid ahaayeen Golaha Wasiiradda Sida Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Khaatumo Yaasiin Axmed Sulub iyo wasiiro ku xigeeno kale.
Xafiiska Wararka Shabakada Allssc.com/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0025224471386
Buuhoodle G/Cayn
hiirad@allssc.com
0025224471386
Buuhoodle G/Cayn
Short URL: http://allssc.com/?p=33907












