DAGAAL SADDEX GEESOOD KU SOCDO KHAATUMO
Dadka iyo deegaanka Khaatumo waxaa ku socda dagaal saddex geesood ah oo ay wadaan labada maamul ee Faroole iyo siilaanyo iyo horgalayaasha iyo hoos galayaasha labadaas nin iyo maamuladooda u shaqeeya. Saddexda cadow waxay heeshiis ku yihiin inay si wadajir ah Khaatumo u bur-buriyaan. Taasna waxaa u daliil ah dagaalkii ay dhowaan ku soo qaadeen oo ku qabsadeen tuulada tuka-raq.
Horgalayaashu waxay qabaan cudurka loo yaqaan bahalawga (rabies) kaasoo ku dhaca dawacooyinka iyo eyda. Waa cudur halis ah oo ku dhaca dareen wadayaasha iyo maskaxda (nervous system) waxaana keena fayrus ama geermis dilaa ah. Dawaco ama ey hadduu cudurkaasi ku dhaco way waashaan. Hadday qof qaniinaan muddo yar dhexdeed ayuu qokkasi ku dhintaa haddaan laga tallaalin.
Markaa waxaa maamulka iyo shacabka reer Khaatumo la gudboon inay ka shaqeeyaan oo u hawl galaan siday uga gaashaaman lahaayeen oo uga taxadiri lahaayeen shakhsiyaadkaas qaba cudukaa halista ah si ayan dadka fayaw u qaadsiin.
Horgalayaashu awel iyo asal ahaanba waa kuwo caqligoodu aad uga hooseeyo sida caadiga ah. Waa niman danaysteyaal ah macaan jecel ah oo u shaqeeya ciddii carabka malab u marisa. Waxaa hal-kudheg u ah “ninkii caloosha ii buuxiya ayaan u shaqaynayaa.” Waa shakhsiyaad aan waxba ka xishoon, waxba ka khajilin, waxba ka biqin, waxba la hadhin. Dadka waxaa dabra xishoodka, qofkaan xishoon waxba ceeb lama aha.
Saddexda cadow ee dagaalka ku haya Khaatumo waxaa ugu khatarsan dagaalka ay wadaan horgalayaashu gaar ahaan kuwa gobolka Sool.. Maxaa yeelay waa cadow kaa tirsan oo kula deggan.Waxay la mid yihiin tuug iyo jaasuus kula deggan oo sirtaada og oo intaa war kaa duubaya.
Maamulka iyo shacabka reer Khaatumo waa kuwii Taleex go’aan ku gaadhay inay aayahooda ka tashadaan, inay is-xoreeyaan iyo inay go’aan qaadashadooda u madax bannaadaan. Markaa waxaa waajib ku ah shacabka Khaatumo inay ku kalsoonaadaan maamulkooda guulaha badan soo hooyey muddadii yarad ee u jiray. Waa in dadka reer Khaatumo dhammaantood ka qayb qaataan difaaca iyo dhismaha iyo horumarinta dadka iyo deegaanka Khaatumo. Danaha Khaatumo ha laga hormariyo dan walba.
Maxamed Cali Daad
mohameddad@hotmail.com
Short URL: http://allssc.com/?p=35804












