daawo:Sida Ay udahcaday xafladii dabaal dega 1-da luulyo ee xafada Islii(sawiro)
waxa siweyn Xalay Looga dabaal dagey munaasibada 1-da luulyo dhaman dalka kenya gaar ahaan magaalada Nairobi oo ayka dhaceen Xafl;adaha loogu dabaal dagayey munaasibada 52-aad Ee ka soo wareegatey markii aygobolada kunfur xiriyada ka heleen gumaystahii ayna lamadoobeen gobolada waqooyi.
Xaflad balaadhan oo lagu maamusayey Sanad guuradii 52-aad ee ka soo wareegatey markii 1-da luluyo calanka soomaliyeed la saaray islamarkaasna ay madowbeen gobolada koonfur iyo waqooyi ayaa lagu qabtay safarada soomalida Ee dalka kenya xafladani oo aygoob joog ka ahayeen masulin ka tirsan dowlada KMG ah iyo fananin weyn.

xafladani Oo aygoob joog ka ahyeen Ra’iisal Wasaaraha soomaliya mudane cabdiwali maxamed cali(gaas) masuulinta,xildhibaano,soyaasiiin, iyo wax garadkale ayaa waxa halkaasi lagu soo bandhigay Heeso wadani ah oo ka turjumaya Qiimaha ay leedahahay maalinta 1-da luulyo,iyo meesha ay bulshada kaga jirto.
waxa sidoo kale xafladaasi goob joog ku ahaa siyaasiin caan ahaa oo mudo soomaliya xilalkala duwan ka sooqabtay,iyadoona xafladaasi ay ahayd mi heer qaran loo sooo agaasimey isla markaasina ayka dhex muuqdeen masuulinta dowlada KMG ah masuulinta Safarada ee dalka Kenya.
waxana halkaasi calanka ku saaray Ra’iisal wasaaraha dalka soomaaliya,iyadoona ay dadka Ka qeyb galayey damaashaad kujireen farxada malintaani ku weyn umada soomaaliyeed oo ah malinta gobolada koonfurta sooomaaliya gumaystahii ka xoroobeen ayna lamadoobbeen gobolada waqooyi.
Dhanka kale waxa Xaflado waweyn oo kuwaasi lamid ah ayka dhaceen xaafada islii’gaar ahaana Iskuulka,Islii Higt iskuul oo kuyaala xaafada islii ee magaalada nairobi waxana xafladaasi ka qeyb galay siyaasin caan ah wax garad bulshada qeybaheeda kala duwaan ayadoona aygoobtaasi heeso iyo dabaal deg ku soo bandhigeeb dhalin yarada waayahacusub iyo Ururka Qeylo dhaan.
xafladani oo ahayd mid siweyn loo soo agaasimey aya waxa halkaasi heeso ku soo bandhigay dhalinta waayaha cusubiyo Kooxda Qeylo dhaan,waxana halkaasi heeso wadani ah ka soo jeediey Cabdi shire Jookhle oo isaga muujiyey heeso wadani ah oo soo jiitey dakii ka qeyb galay”waxana halkaasi calanka ku saaray cabdi shire jookhle, oo ah abwaan caan ah.
sikastaba Xuska 1-da luulyo ayaa waxa siweyn maanta looga dabaal degayaa gudaha dalka soomaaliya gar ahaana magaalada muqdisho,iyadoona Nairobi Guud ahaan xalay lagu qabtay dabaal dega malintani ku weyn shacabka soomaaliyeed.
BY:Wariye Mohamed Abdulahi Khalif(shine)
Nairobi Kenya
Short URL: http://allssc.com/?p=32699
























