Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Caruur Darbiyo Jiif ah oo Markii ugu horeesay Furatay Bangi iyaga u gaar ah(Daawo Videoga la yaabka leh)

 

 

(Allssc) Koox caruur ah oo ah katirsan Dhalinta derbiya jiifka loo yaqaan oon haysan meel ay ku hoydaaan kuna nool Magaalada New Delhi ee Dalka India ayaaa dhawaan waxay alifteen bangi iyaga qaas u ah kaas ay ku keedsanyaan lacagaha ay soo helaan si ay ugu maareeyaan Noloshooda iyo mustaqbalkooda danbe.

Bulshada ku dhaqan deeganada ay caruurtan ku nool yihiin ayaa ah badanaa kuwa aan xil iska saarin wax walbo oo u wanaagsan nolasha aadanaha oo ay ka mid tahay cafimaad , iyo Hoy la jiifsado taa oo keentay ugu dambeyn in caruurtan darbi jiifta ah sameesteen bangi ayaga maamushaan.

“Waxaa jira caruur shaqaysta oo la cagahooda dhigtaan bangigeena xitaa caruurta iskoolada aada waxay ku geedsadaan lacagahooda,” sidaasi waxaa yiri Satish Kumar.

Satish Kumar, waxa ay saaxibadiis u doorteen in uu madax ka noqdo xarunta bangiga oo qayb ka noqon doonta xarunta hormarinta caruurta ‘khazana’ (Indian for ‘treasure’) taas oo u adeegta ku dhawaad sagaal kun oo ah ciyaaylka ku nool wadooyinka koonfurta Aasiya iyado leh ku dhawaad 77 xarun oo gobalka ah.

Halkan Hoose Ka Daawo

Halkan Ka Daawo

Mohammad Shah oo da’diisu tahay 12 sano jir ayaa u sheegay telefishinka RT in mushaarka sedex mar ah ka qaato bangiga uuna u isticmaalo arimao muhiim u ah.

” marka u horeeso waxaa qataa 500 rupees aan u isticmalo in aan ku iibsado dharka iskoolka marka xigta waxa qataa 1,000 rupees waxan ku caawiya hoyadey oo jiran si ay ay dhaqtar ugu isticmasho marka sedaxaana in aan iska gudo lacag aan aabahay u amaahday si uu ugu furto tukaan” ayuu yiri wiilka yar”

Mohammad Shah ayaa dhanka kale habeenki wareejiya dhalooyin cabitaan ah isagoo rajeynaya lacagta uga soo xarooto in uu ku dhigto ilaa heer aqoon sarre si u ugaaro hamigiis oo ah in un mar un noqdo booliis caan ah.

” waxay tahay arintan mid aad u heer sareysa maxaa yeelay wey yaqaanaan sida loo keedsado lacagta,wee yaqaanan sida loogu isticmaalo habka wanaagsan waxay barteen sida ay ugu hormarin lahaayeen rabitaankooda taas aysan garanayn in badan oo inaga dadkeena waawayn aysan aqoonin” saasna waxaa tiri Sharon Jacob oo ka tirsan urur xaquuqda caruurta raadiya oo madaxbanaan laguna magacaabo “Butterflies”

Info@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=34092

Posted by on Jul 15 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Caruur Darbiyo Jiif ah oo Markii ugu horeesay Furatay Bangi iyaga u gaar ah(Daawo Videoga la yaabka leh)”

  1. Kkk ragrag dhalay wexey ogaden darbi jiifku inu mastaqbal lahayn waa kuwa katashaday mustaqbalkoda kkk

Qormadaada

Photo Gallery