Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Buur Madow Oo Loo Xukumay Dhaliishii Uu U Jeediyay Horjogaha SNM “Siilaanyo” Iyo Beesha Buurmadow Oo Hanjabtay (Daawo Maqal Muuqaal).

Hargaysa(Allssc): Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo saaka u fadhiisatay ku dhawaaqida Go’aanka Dacwada Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow ayaa ku go’aamisay Hal sano oo xadhig ah.

Garsooraha Dacwada qaadayay Cismaan Fanax ayaa gabi ahaanba laalay qoddobadii Xeer ilaalintu ku soo Oogtay boqor Buurmadow ee kala ahaa qoddobadda Jabhada SNM u yaal ee 212 iyo 215 oo sheegayay in Boqorku dibeda dalka ka soo maleegayay mijo xaabin Jabhada SNM.

Hase yeeshee waxa uu xukunkiisa u adeegsaday qoddobka 68 ee Xeerka Habka Ciqaabta oo dhigaya Dhaleecayn iyo Ceebayn uu kula kacay Horjoogayaasha Jabhada SNM sidaas daraadeed ciqaabta uu ka mutay ay tahaya Hal sano oo xadhig ah.

Xeer ilaaliyaha Jabhada SNM oo wax laga weydiiyay Xukunka lagu riday Boqorka dhinacooda sida ay u arkaan ayaa sheegay inay ka tashanayaan.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Beesha Buurmadow Oo Hanjabaysa

Halkan Ka Daawo

 

Amina Waris Allssc Hargaysa Somalia

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=33399

Posted by on Jul 8 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery