Ardey Kasoo Jeeda Maamulka Khaatumo State Oo Wax Kabarta Magaalada Samsun Ee Dalka Aan Walaalaha Nahay Ee Turkey Oo 5bilood Oo Korso Luuqada Ah Dhameystiratey Hada(Full Warbixin+Sawiro)
Ardeyda Somaliyeed ee wax ka barata dalka Turkey gaar ahaan Ardeyda kasoo jeeda deegaanada Maamulka Khaatumo State, Ayaa yagu ah kuwo koorsooyin badan dhameystiranaya, Islamarkaana Ardeydan yagu kasoo jeeda maamulka Khaatumo State ayaa beryahan danbaba ah kuwa ugu cad cad guud ahaan Ardeyda Somalyed ee wax ka barata Dalka aan wallaalaha nahay ee Turkey gaar ahaan magaalada Samsun.
Ardeydan ayaa ah kuwo yagu dhawaan ka tegay deegaanada ama gobolada Maamulka Khaatumo State, Islamarkaana u ambabaxay Sidii ay u dhisi lahaayeen Aaayahooda una nuurin lahaayeen Mustaqbalka Bulshada ku nool gobolada SSC ee maamulka Khaatumo State, Yadoo deeqda ardeydan ku baxeen ay ahayd Saami Maamulka Khaatumo Ku Lahaa Ardeyda Dalka aan wallaalaha nahay u qaadey inuu wax u baro gabi ahaan Qaranka Somaliyeed.
Hadaba Ardeydan ayaa dhameytiratey markii ugu horeeysay luuqada koobaad si markaasi ay hore ugu sii wataan kaalinta waxbarashadooda.
Ardeydan kasoo jeeda maamulka Khaatumo State ee wax ka barata magaalada Samsun ayaa warkoodu nagu soo gaadhayaa inay yihiin tiro guud 50Ardey, yadoo sidoo kale ardeydan dhameystiratey koorsadii koobaad ee waxbarashooda isla markaana u gudbi doonaan koorsooyinka kale ee markaasi u hadhsan.
(Hadaba Hooska Daawo Sawirada Ardeyda Reer Khaatumo Ee Wax Ka Barata Magaalada Samsun Ee Dalka Turkey)







Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
oo25224471386
Buuhoodle G/Cayn
Short URL: http://allssc.com/?p=33674












