Afhayeenka Ururka Dhalinyarada Ahna Cududa Ciidan Ee Aadan Hager, Cabdi Aadan Xiirey Oo Baaq Usoo Jeedinaya Umada Reer Khaatumo State(Dhageyso)
Buuhoodle(Allssc)Baaq kasoo baxay beesha aadan Hager ayaa sheegaya in beeshu tahay Khaatumo State, Isla markaana aanay waxba ka jirin warsaxaafadeed laysla dhexmarayo oo sheegaya in beesha Aadan Hager taladooda kala baxeen gabi ahaanba umada reer Khaatumo State oo markaasi talada iyo tusaaluhuba ka dhexeeyaan.
Hadaba mar ay Idaacada Radiossc Codka Shacabka Khaatumo ukuuro gashay aragtidaas ayaa waxaanu ogaaney in xaqiiqadu tahay mid ka duwan arinkan lays la dhexmarayo.
Waxaanu wareysi ka qaadney codkoodana noosoo gudbyey ciidamada beesha Aadan Hager, Oo markaasi ku sugnaa Jiidaha hore ee Sooljoogto Iyo Meegaagle, Yadoo ay markaasi ciidamada iyo dhalinyarada beesha Aadan Hager ba ay fikrado isku mida noosoo gudbiyeen, Fikradahaas oo u eekaa baaq ay u dirayaan umada reer Khaatumo State kuna beeneynayaan waxa laga aaminsan yahay beesha Aadan Hager.
Hadaba gabagabadii waxaa halkaasi baaq usoo jeedeyey ciidamada beesha Aadan Hager ee markaasi ku sugan Jiidaha hore beeneyayna inay tahay waxba kamajiraan Waxa laga aaminsan yahay, Yadoo uu baaqani soo jeediyey Afhayeenka Ciidamada Beesha Aadan Hager Cabdi Aadan Xiirey oo markaasi ku bilaabey hadalkiisa sidatan:-
Hadaba Hooska Dhageyso Wareysiga
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn
Short URL: http://allssc.com/?p=36056












