Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Boqor Buur-madow oo xalay laga sii daayay Xabsi ku yaal magaalada Hargeysa(Waxbixin)

Buuhoodle(Allssc)Boqor Cusmaan Aw-maxamuud Buur-madow ayaa xalay laga sii daayay Xabsi ku yaal magaalada Hargeysa, kadib markii Maxkamad ay ku xukuntay hal sano xabsi ah.

Boqorka ayaa lagu sii daayay cafis uu Siilaanyo u fidiyey markii uu arkey in uusan haysan karin Boqorka, kadib muddo afar bilood ah oo uu ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa si cadaalada daro ah.

Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa dhowaan ku soo oogtay dambi Cadaalad daro ah in Boqorka uu ku kacay aflagaado madaxweyno iyo dambi uu markaasi yiri Siilaanyo wuxuu ka galay magacayga iyo Kan beesha Haberjeclo, iyadoo Maxkamada markii ay hal sano ku xukuntay cadeysay in xukunka sanadka la iibsan karo.

Sii deyntiisa kadib ayuu Boqor war kooban uu siiyay saxaafada ku sheegay inuu caafimaad qabo, isla markaana uu u mahadcelinayo dhamaan cidii gacan ka geysatay sii deyntiisa.

Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buur-Madow ayaa ka mid ah madax dhaqameedyada caanka ah ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Hargeisa,Berbera Iyo Burco.

Bishii Maarso ee sanadkan ayay aheyd markii lagu xiray garoonka diyaaradaha Hargeysa, xilli uu ka soo degay, kadib muddo uu dibadaha ku maqnaa.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil”Khaatum”
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn 

Short URL: http://allssc.com/?p=34437

Posted by on Jul 18 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery