Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Dawladda Emirateka “Kulankii Dubai Wuxuu ahaa Sidii Loo Soo Celin Lahaa Nabadgelyadii, Xasiloonidii iyo Horumarkii Soomaliya oo Hal Dawlad ah “
Dubai (Allssc) Wasiiru-dawlaha Arrimaha dibadda ee dalka Emirateka Carabta Dr. Anwar Maxamed Gargash ayaa isagoo la hadlayey warbaahinta uu ka mid yahay Wergeyska Khaleej times ee ka soo baxa dalka Emirateka carabtu wuxuu u sheegay in kulankii Shallay ay yeesheen Madaxweynayaasha maamulka la magagac baxay Somaliland iyo dawladda TFGS Soomaaliya uu ahaa mid beesha caalamka oo ay dawladdu Emiratekuna ka mid tahay ay ku doonayeen sidii nabadgelyado, degenaanshahii iyo horumarkii Soomaaliya lahaan jirtay dib loogu soo celiyo.
Dr Anwar Garbashi oo ka hadlaya arrintaasi wuxuu yidhi “dedaalkani muhiimka ahi wuxuu muujinaya sida Dawladda Emirateka carabtu ay gacan uga gaysatay horumarka dhinaca siyaasadda laga gaadhay ee dalka Soomaaliya, waxay sidoo kale muujinaysa kalsoonida dalalka jaarka la ah Soomaaliya ay ku qabaan sidii loo xaqiijin lahaa in Soomaaliya iyo dadkeedu ay gaadhaan nabadgelyo, horumar, iyo xasilooni buuxda” ayuu yidhi Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda dalka Emiratek cabrabtu
Wasiiru-dawlaha Arrimaha dibadda dalka Emirateka carabta oo isagu ahaa masuulkii goob jooga ka ahaa kulankani isagoo sii wada hadalkiisa oo warbaahinta siinaayey wuxuu yidhi “waxaa muhiim ah in Soomaaliya qayb ku yeelato ammaanka iyo nabadgelyada bedda iyo sidii maraakiibtu ay si nabadgelyo ah iskaga gooshi lahaayeen bedda gobolka ku taalla inay Soomaaliya qaadato doorka ah inay ilaaliso bedda biyaheedu ayaa saldhig u ahaa wada hadalkani” ayuu yidhi Garbuushi Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Emirateka carabta
Hadalkani uu warbaahinta u sheegay masuulkii dawladda Emirateka carabta uga xil saara wada hadaladda ayaa wuxuu daaha ka faydaya in aan habayaraate wada hadaladda lagu soo hadal qaadin madax banaanida Somaliland balse taasi cakiskeeda sida Wasiiru dawlaha dawladda Emirateku sheegay ah in la soo celiyo nabadgelyadii, xasiloonidii iyo kala danbayntii Soomaaliya lahayd macnaheeda waa hal dawlad iyo qaranka soomaliyeed.
Kulankii Dubai ka dhacay wuxuu ahaa guul iyo guul uu Shariifku gaadhay isagoo si cad ugu muujiyey qallinka saxeexiisu ku hoos xardhana wuxuu matalayo oo ahayd Dawladda federaalka ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya (Somalia Transitional Federal Government) Federaalnimadaasi oo afka siyaasaddda hoos gaynaysa wixii Siilaanyo ku hoos saxeexna oo ahaa Somaliland, Somaliland-taasi oo caddayn waxay u tahay maamul goboleedba Federaalka Somalia ku hoos jira ama hoos yimaada.
Isku soo wada duuboo waxaa meesha guul kala baqoolay Sheikh Shariif oo helay qodob mihiima oo wax ka taraaya ololuhu ugu jiro kursiga madaxtooyada Somaliya oo ah inuu yahay ninkii Siilaanyo iyo xertiisaba miiska wadahadlka soo fadhiisiyey laba jeer ee ay ku dhici waayeen inay miiska soo dhigaan wax la yidhaahdo gooni-isutag ama go’is ay somaliya ka go’een. Waxaa kaloo shariifka u banaan inuu ku faano inuu yahay ninka keliya ee mar kale Siilaanyo miiska keeni kara, kana saxeexi kara in midnimada Somaliya lama taabtaan tahay. wuxuuna gacanta midig ku haystaa labadii war murtiyeedka kii CHEVENING HOUSE iyo kii DUBAI oo aanu ku jirin qodob ka hadlaaya gooni isutaaga somaliland
mukhtaar@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=32528












