Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Safiirkii Maraykanka u fadhiyay dalka Kenya oo iska casilay xilkiisii

NBI,Kenya(Allssc)Scott Gration ayaa la sheegay inuu is casilaadiisa u gudbiyay isniintii hore madaxweynaha dalka Maraykanka Barrack Obama iyo xoghayaha arrimaha dibada Hillary cilinton.

Iscasilaada Gration waxaa lagu micneeyay is faham la’aan dhanka hogaanka ah .

Waxaana uu xilkan banneeyay, kadib markii uu soo hayay tan iyo bishii May ee sannadkii 2011ka.

Scott Gration oo muddo dheer ku noolaa dalka Kenya ka hor inta aanu safiirka noqon kuna hadli jiray luuqada Ksiwahiliga ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in muddo ka badan 35 sano uu u adeegeeyay dalkiisa.

Waxaa uu sheegay inuu isaga iyo xaaskiisa Juddy ay farxad u ahayd markii uu noqday safiirka Maraykanka u jooga dalka Kenya, uuna uga faa’iidaysan karo fursadaas aqoontiisa qotoda dheer ee u leeyahay dalka Kenya.

Scott Gration ayaa badalay markii hore safiirkii ka horreeyay isaga Michael Renebegar  oo lagu tilmaami jiray inuu ahaa nin saamayn wayn ku leh siyaasada dalka Kenya, balse la badalay markii lasoo bandhigay warbixinnadii sirta ahaa ee Wikileaks, taasoo xumaysay xiriiirka ka dhexeeyay Renebegar iyo madaxda dalka Kenya.

Ma cada cida badali doonta Scott Gration oo horayna u ahaan jiray ergayga Maraykanka u qaabilsanaa Sudan intii aysan kala go’in.

Allssc.com/Codka shacabka SSC
Rashiid Hiirad
hiirad@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=32519

Posted by on Jun 29 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery