Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Nasteexo waa Hooyo lanool Cudur Soomaalida Kanaxaan Waxayna leedahay Uur Fariin Muhiim Allssc Umarsiisay Soomaalida

Buuhoodle(Allssc)Nasteexo Faarah Cilmi waa Hooyo la nool Xanuunka HIV/AIDS, waxay guursatay 2010-kii nin isna la nool Xanuunkaasi misna watay Gabar yar oo iyana la nool Xanuunka HIV/AIDS-ka oo markaas dhalay Ninkani,waxayna Nasteexo Xiligaas ka damqatay canugtaasi yar waxayna go’aasatay in ay isguursadaan si ay ula xanaaneyso Gabadhiisa yar.

Illaah Mahaddii Nasteexo waxay qaaday Uur waxayna madaxa la sii gashay bishii Sagaalaad. Mar aan dhawaan Siminaar kula kulmay ayay ii sheegtay inay aad uga walwalsan tahay xaalka uu ka dambeyn doono canugeedii caloosha ku jira, waxayna ii soo jeedisay maadaama iyada iyo ninkeeda aysan waxba haysan in aan qaylo dhaan gaarsiiyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Dibadaha, Ganacstada iyo Hay’adaha samafalka iyo waliba cid kasta oo qayb ka qaadan karta badbaadinta ilmahaa yar ee Hooyo Nasteexo Uurkeeda ku jira.

“Waqtiga ka harsan dhalmadeeda aad buu u yar yahay, haddii ay si caadi ah u dhasho, canugu wuxuu halis u yahay in uu cudurka qaado, hase yeeshee haddii ay hesho Qaliin dibadeeda oo Canugaas lagu Dhalin karo waxaa lagu kalsoon yahay in inta badan canugaasi ka badbaadi doono Xanuunkaas halista ah” ayuu yiri Dhakhtar aan arrintaan u bandhigay, wuxuuna sii raaciyey “Dalkeeda lagama helayo qalabkaasi, hase yeeshee wadamada deriska aan nahay ama wadamo kale la geeyo, waxaa suuragal in ay canugaasi uu badbaado”

Wadamada haysta Qalabka caafimaadka inta badan waxay ku guuleystaan kala badbaadinta Hooyada la nool cudurka HIV/AIDS iyo ilmaha uurkeeda ku jira kadib marka lagu sameeyo qalin looga gol leeyahay in dhiiga hooyada uusan u gudbin canuga, hase yeeshee haddii ay caadi u dhasho waxay dhaqaatiirtu sheegeen in canugaasi uu halis u yahay in uu qaado Cudurka HIV/AIDS.

Dalladda ay leeyihiin dadka la nool Xanuunkaas HIV/AIDS oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan (PLHIV) ayaa mar aan Mas’uuliyoontooda u bandhigay qaylo dhaantaan ka timid Nasteexo ayay soo dhaweeyeen iyagoo sheegay in ay iyana gacan ka gaysan doonaan sidii loo badbaadin lahaa inkastoo ay Dalladda aysan heli karin Fhaqaalihii lagu sameyn lahaa qaliinkaasi.

Haddaba ciddii ay dooneysa in ay gacan siiso Hooyo Nasteexo waxay la soo xiriiri kartaa Nasteexo Faarah Cilmi oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

(Hoos Ka Dhageyso Heesku Saabsan Mawduucan)

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Nasteexo Faarax Cilmi

Tel: 0025261-5218752  Kala Xidhiidh Numberkan

Allssc.com/Codka shacabka SSC
Rashiid Hiirad
hiirad@allssc.com
Buuhoodle G/Cayn 

 

Short URL: http://allssc.com/?p=32202

Posted by on Jun 25 2012. Filed under Fikradaha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery