Maxay ku Dhamaadeen Wada Hadaladii London Shir Jaraa’id Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya (Video) Akhriso Qodobadii Kasoo Baxay Shirka

Waxaa Galabta Magaalada London ee Dalka Ingiriiska lagu soo gaba gabeeyay Shirkii Magaaladaasi uga Socday Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo Beeqa isaaq iyadoona laga soo saaray Warmurtiyeed gaba gabada Shirka.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaraanka Dowlada KMG ee Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in wajigii koowaad ee Wadahadalada in lasoo gaba gabeeyay sidoo kalana ay dhici doonaan kulama kale waa siduu hadalka u dhigaye
Qaar kamid ah qodobadii ugu Muhiim sanaa ee kasoo baxay Shirka waxaa kamid ah:-
- 1- inay si dhaqsi ah u wada kulmaan Madaxwaynaha Soomaaliya Shariif sheekh Axmad iyo Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Axmad Maxamad Maxamuud Siilaanyo kana hadlaan arrimo ay ka mid yihiin qaabka lagu dhaqan gelin lahaa Qodabadii lagu soo hordhigay Shirkii London.
- 2 – in Dowlada Soomaaliya iyo Somaliland ay iska garab siiyaan Dagaalka kooxaha Argagixisada iyo Burcad badeeda.
- 3- in la sii wado wadahadalka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ay ku heshiinayaan.
- 4- in laga hortago Kooxaha xeebaha Soomaaliya ku soo shubaya Sunta.
- 5- inay labada dhinac ay quburo Shisheeye u yeertaan kuwaas oo ay kala kaashanayaan Barnaamijka wadahadalka.
- 6- in la taageero in sida ugu dhaqsiyaha badan in looga baxo Marxalada kumeel gaarka ah.
Shirkan ayaana lagu soo hadal qaadin qadiyada Beesha isaaq marwalba ku taanto E e Soomaaliland ka taagan tahay in Soomaaliya inteeda kale kamadax banaanaato iyadoona arintaasi aysan ku jirin ajandihii ay kawada hadleen labada dhinac sida aan wararka ku helnay.
Halkan Hoose Ka Daawo
Akhriso Qodobadii Kasoo baxay Shirkii dowlada Soomaliya iyo kooxdii metelaysay SNM
mukhtaar@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=31889














