Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Koob Kubada Cagta ah oo Lagu Waynayey Munaasibada 1 Luulyo oo kadhacday Buuhoodle & Madaxda Khaatumo oo Qudbado Kajeediyey {Daawo Sawirada + Warbixin}

Buuhoodle(Allssc)Ciyaar aad uxiiso badan ayaa maanta gelinkii danbe waxaa lagu qabtay Garoonka Xabado Stadium ee magaalada Buuhoodle.

Ciyaartan ayaa Gabagabo u ahayd Koob Socday mudo Dhowr cisha ah ayaa waxaaa loogu talagalay Munaasibada Qaran ee 1 Luulyo – ee midnimada umada soo maaliyeed.

Waxaana ciyaartan Galabta dhexmatay Labada Kooxood ee Togsol & Hilaal waxayna waqtiga loogu talagalay ay kusoo dhamaatay laba haaf ee hore,{0} & {0}

Waxaana intaasi kadib loo gudbay Riigoolayaal waxaana halkaasi guushu ku raacaday Kooxda Togsol oo kamiada kooxaha ka jira magaalada Buuhoodle.

Intaas kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dabaal deg balaadhan oo ay samaynayeen Taageerayaasha Kooxda Togsol ee koobkaasi ku guulaystay.

Ciyaarta kadib ayaa fagaaraha dugsiga Darwiish waxaa lagu qabtay Munaasibad balaadhan oo looqabtay Koobkan loodhigay Munaasiadabada 1 Luulyo.

Waxaana Madashaasi kasoo qaybgalay Masuuliyiin iyo madax katirsan Dawlada Goboleedka Khaatumo State.

Ugu horayn ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Agaasiha Guud ee wasaarada Arimaha Bulshada dawlad goboleedka Khaatumo State Xasan Cali Aw Yuusuf waxuuna hanbalyo ujeediyey Kooxaha Kubada cagta ee koobakan Lagu waynayey Maalinta Qaran ee 1 Luulyo sida wanaagsan ugu soo idlaaday waxuuna sidoo kale ka hadlay howalaha wasaraada iyo waxyaabah uqorshaysan.

Maxamuud Shiikh Cumar Xasan Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Bulshada Maamulka Khaatumo State Ayaa Isna Madashaasi ka hadlay wuunu kawarabixiyey Munaasibadan loo qabtay maalinta Qaran ee 1 Luulyo ama July.

Maxamed Yuusuf Jaamac {Indha Sheel} Oo Kamida Golaha Madaxtooyada Dawlada goboleedka Khaatumo State ayaa Isna maadashaasi ka jeediyey Qudbad kooban Ayaa dhamaan shacabka Soomaaliyee ugu hanbalayeey Maalinta qaran waxuuna sheegay Inay Shacabwayna Khaatumo State iyo Maamulkooda ay yihiin kuwa utagaan markasta midniada umada Soomaaliyeed Qaybta wayna Kasoo Qaatay Xorayntii dalka.

Dhincakale Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamca ayaa ka hadalay Shaqaaqoyin laba beelood kamida shacabka Khaatumo state ku dhexmaray deegaanka Docmo waxuunu kubaaqay in si deg deg ah loo joojiyo dhiiga halkaasi ku daadanaya, wuxuuna sheegay in dagaalkaasi uu yahay “ Kugu dhimay – oo Kaa Dhimay”

Ugu danbayna waxa uu ka hadlay madaxwaynuhu qodobo kale oo laxdhiidha munaasibaasi iyo dhibaatada maamulada hareeuhu ku hayaan Shacabka Khaatumo State.

Gabagabadii munaasidan ayaa halkaasi Koobka lagu gudoonsiiyey Kooxada Togsol oo kuguulaystay Koobkaasi. Iyadoo dhinaca kalana kooxaha galay kaalinta labaad iyo tan sadexaad lagudoonsiiyey abaal Marin.

Allssc.com/Codka shacabka SSC
Rashiid Hiirad
hiirad@allssc.com
0025224471386
Buuhoodle G/Cayn 

Short URL: http://allssc.com/?p=32606

Posted by on Jun 30 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery