Khaatumo Maantana Farbaa Maydh La’a
Bismilaahi Raxmaani Raxiim Alle ayaa mahad iska leh inoo fudaydiyay in inaga oo ku kala sugan daafaha Caalamna aynu isula socono daqiiqado iyo sakamo, Alle ayaa mahad iska leh Allihii ina faray inaynu isku baraarujino wanaaga iskana reebno Xumaatada.
Waxaa mihiim ah inaynu is xanuusino wanaaga iska reebno xumaatada, isku dhiiri galino Wanaaga. Waxaan midaas u leeyahay wararka aan ka helayno Deegaanka Khaatumo ayaa sheegaya in dhalinyaro kasoo jeeda deegaankeena ay hub iskula fara baxsadeen iyada oo aynu leenahay Maamul Awood u leh ka hor taga isku dhaca beelaha walaalaha ah.
Maamulka Khaatumo waxa uu awood u leeyahay xalinta khilaafaadka beelaha iyo waliba ka hortaga khilaafaad keena gacan ka hadal, waxaa muhiim ah in maamulka khaatumo oo leh Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Arimaha Bulshada , Taliyaha Ciidamada oo iyagu intaba ku shaqa leh xalinta iyo ka hortaga khilaafaadk abeelaha inay u guntadaan Dajinta Shaqaaqooyinka Magaalada Domco sidoo kale inay ka hor tagaan arimo la mida kuwan ka dhacay Domco.
Waxaa sidoo kale xilweyn saaran yahay Jaaliyadaha Dibada ee reer khaatumo khasatan Beelaha walaalaha ah ee shaqaqada yar ku dhex martay Magaalada Domco, waa door muhiim ah oo loo baahan yahay in ay qaataan Jaaliyada Dibada oo iyagu laf dhabar u ah xalinta dad ka walaalaha ee dhibatadu kala gaadhay.
Sidoo kale waxa lagama maarmaan ah in Isimada ay Baaq iyo Bayaan kasoo saaraan Dhacdadan talaabo dag dag ah na ak qaadaan sidii loo dajin lahaa.
Ugu Danbayntii Qoraal kaygan waa mid baraarujin u ah Maamulka Khaatumo Khasatan Madaxweyne Axmed Kaaraash , Madaxweyne K/xigeen Indha-Sheel Wasiirka arimaah Gudaha, Wasiirka Arimaha Bulshada , Taliyaha Ciidankaoo dhamaan tood ku sugan gudaha Deegaanka Khaatumo inay talaabo wax ku ool ah ka qaadaan arintan Domco oo runtii Boog ku taal khaatumo noqon karta hadaan dag dag loo xalin, dhacdadan waxa sidoo kale gabaad iyo god daloolo u tahay Mamaulada Cadowga ah ee Khaatumo hareeraha ka xiga.
Eng.Mustafe Nuur
m-nuur1@hotmail.com
Short URL: http://allssc.com/?p=32080













http://buyviagraonlinechoice.com/#ballssc.com – viagra online – buy viagra , http://buyviagraonlinechoice.com/#sallssc.com buy viagra online