Dr- C/raxmaan Maxamed Cabdi xaashi Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Taagan yahay Musharaxnimada Madaxtinimada Mustaqabalka Somalia Ee Soo Socota(Daawo Sawiro).
Muqdisho(Allssc): Dr- C/raxmaan Maxamed Cabdi xaashi Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Taagan yahay
Musharaxnimada Madaxtinimada Mustaqabalka Somalia Ee Soo Socota
Musharaxa mataxtinimo ee mustaqablaka somalia Dr c/raxmaan maxamed
cabdi xaashi ayaa ku dhawaaqay inuu u taagan yahay musharaxnimada
mustaqablka soo socda somalia marka la gaaro bisha ogosto ee fooda
inagu soo haysa
Dr-c/raxmaan maxamed cabdi xaashi ayaa kulan si weyn loosoo agaasimay
kaga qayb galay magaalada muqdisho kasoo lagu muujinayey taageerada ay
u hayaan qaar kamid ah bulshada soomaaliyeed oo isugu jira xildhibaano
,siyasiyiin ,odayaal dhaqameed,ururada bulshada ,haweenka iyo
waxgaradka ku dhaqan magaalada muqdisho
kulankaas oo ay hadalo kala duwan oo lagaga hadlayey taageerada
Dr.c/raxmaan maxamed cabdi xaashi ka jeediyeen waxgarad iyo
siyaasiyiin kala duwani ayaa waxaa ka hadalay xildhibaano
,siyaasiyiin ,qaar kamid ah masuuliyiinta maamul goboleedyada dalka
somalia ka jira kuwaasoo dhamaantood xusay inay soo dhoweynayaan
musharaxnimada c/raxmaan maxamed cabdi xaashi
kulanka oo ay qayb ka ahaayeen isimada deegaanada gobolada khaatumo
state of somaia ayaa waxaa hadal ku aadan taariikhda uu leeyahay dr
c/raxmaan maxamed xaashi ka sheekeeyey garaadka guud ee deegaanada
khaatumo state of somalia garaad jaamac garaad cali oo dhidibada u
aasay taageero hiil iyo hooba inuu la garab taagan yahay msuaharaxa
iminka isu taagay talada dalka ee mustaqablaka dr-c/raxmaan maxamed
cabdi xaashi
Geba gebadii kulanka ayaa waxaa khudbad dheer halkaasi ka jeediyey
musharaxa c/raxmaan maxamed xaashi oo ka warbixiyey waxyaabaha ugu
muhiimsan ee uu iminka isu soo sharaxay islamarkaana daboolka ka
qaaday in hadii uu talada dalka nasiib u helo mustaqabalka dhow inuu
la dagaalami doono musuq masuqa baahsan ee dalka somalia la degey si
weyna u taageeray ganacsiga kala duwan ee somalida islamarkaana shaaca
ka qaaday in umada casriga ahi ay inta badan buslahadu u shaqeeyaan
ganacsato kala duwan taasna ku tilmaamay mid aad loogu baahan yahay ,
isagoo ugu baaqay bulshada soomaaliyeed inay taageeraan doorashada soo
socota
si kastooy amuurtu ahaataba kulankan balaaran ee lagu taageerayey
musharaxa dr c/raxmaana maxamed xaashi ayaa kusoo beegmaya xili ay
magaalada muqdisho kusoo qul qulayaan musharixiin kala duwan oo inta
badan ka yimid dalka dibadiisa islamarkaana u tartamaya xilka
madaxtinmada dalka somalia oo lagu wado in doorasho dhacdo bisha ogost
ee fooda inagu soo haysa

Yaasiin faytin
Yaasiinfaytin@gmail.com
+25261-5580916
Short URL: http://allssc.com/?p=32559
























