Dowlada Turkiga Oo Markii Ugu Horaysay Ciidamo u Taba Baraysa Dowlada Soomaaliya Dhanka Booliska
Dowlada Turkiga ayaa markii ugu horaysay dowlada Soomaaliya ka taageeraysa dhanka ciidanka, iyadoona ciidamo iyo saraakiil ay ka baxeen magaalada Muqdisho isla markaana ay u anababaxeen wadanka Turkiga.
Ciidamadaan iyo Saraakiishaan oo ka tirsan Booliska Soomaamaliya ayaa waxaa loo qaaday in ay taba bar ku soo qaataan wadanka Turkiga, kaasi oo la xariira sugida amaanka iyo gudashada waajibaadkooda.
Saraakiisha iyo Ciidammada Muqdisho ka ambabaxay ayaa tiradoodu waxa ay gaareysaa 80 waxaana ay yihiin qeybtii ugu horeysay ee isugu jirta Saraakiil iyo Ciidammo ee taba bar ahaan loogu qaado wadanka Turkiga.
Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Shariif Sheekh Unaa Maye ayaa tilmaamay in saraakiishaan iyo ciidammadan laga qaaday imtixaanaad ayna ku guuleysteen.
Sidoo kale wuxuu sheegay Shariif Sheekh Unaa Maye in tababar bilooyin ah ay kusoo qaadan doonaan dalka Turkiga, kaasi oo lagu tababarayo shaqadooda.
Diyaaradda Turkish Airways oo ay leedahay dowlada Turkiga ayaa ayaa saraakiishaan iyo waliba ciidamadaan ka qaaday garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
Waa markii ugu horay oo ciidamo iyo saraakiil ka tirsan dolwada Soomaaliya taba bar loogu qaado wadanka Turkiga iyadoona dhinaca samatabixinta abaaraha ay dowlada turkiga wax badan ka gacan siisay Soomaaliya.
mukhtaar@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=32598












