Cuqaasha Iyo Waxgaradka Reer Buuhoodle Oo Jawaab Waafi ah Ka Bixiyey Go’aamadii Beesha Qorilugud Dhowaan Soo Saartay(Daawo Video)
Allsc: Kadib markii dhowaan beesha Suulamdow shir ku yeelatay tuulada Qorilugud, kana soo saareen go’aamo looga soo qoray gurigii Jeneraal Morgan ee hada looga arimiyo jabhada goonigoosiga ah ee SNM. Go’aamadaas oo loogu horeysiiyey inay beeshaasi isla qaadatey in gooni goosiga jabhadoou muqadas tahay. Dadka iyo deegaanaka SSCna loola hadalay sidii ay ka midyihiin dhulka jabhadaasi leedahay taasoo ka fog qaabka iyo nidaamka loo maro nabad iyo xasilooni raadin. Waayo iyagoo ka dheregsan meesha sartu ka qudhunsantahay colaaduna saaka ku hayso ayay beeshani intey madax iyo manjaba isugu tagtey kasoo saartey go’aamo colaad mooyee aan nabad sal iyo raad toona ku lahayn.
Hadaba iyagoo ka jawaabaya go’aamadaas laga soo saarey shirkii Qorilugud ayay Cuqaasha iyo wax garadka gobolka Cayn kasoo saareen jawaab si toos aha ugu socota beesha Qorilugud ku shirtay, iyo maamulka goonigoosiga iyo dhulbalaadhsiga ku dhisan ee uu horjoogaha ka yahay oday Siil-aanyo. Go’aamadaas oo lagu bilaabay in midnimada umada iyo dalaka Soomaliya tahay muqadas, daka iyo deegaanada Khaatuma Statena lama taabtaan yihiin.
Hoos ka daawo baqqi iyo go’aamadii waxgaradka gobolka Cayn, Khaatumo State , Somaaliya
allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=31455















asc. wrx. wbr. REER BUUHOODLE WAA RAGE, MAXAA LA ISUGU DARAYAA?
Maxamuud Garaadow soo celi sumcaddii KHAATUMO STATE, Run ahaantii waad dayacdeene, ceebtii hore aad sababta ugu ahaydeen uun baad mid ka daran noo soo jiiddeen. Run ahaantii waad BAYLIHISEEN BOOSKII IDIN KAGA AADDANAA cadowyadeenna SNM IYO SSDF. IDIN kaa horgalayaal u ah labadaba. ANIGU WAXAAN AHAY Maxamuud Garaad, ceebta iyo dulliga i taabtay. ALLAHA NOO GARGAARO
Ameer said waad ku mahadsantahay fikradaada. Hadalkana waa sida loo yidhi baa loo qorey.