Baaq Nabadeed Oo Ay Dirayaan Jaaliyada Guuleed Garaad {Barkad} Ee Ku Nool Dalka Kenya {Nairobi
Annagoo ah beesha Guuleed Garaad {barkad} ee ku dhaqan magaalada nairobi ee dalka kenya waxaan baaq nabadeed kasoo saarnay dagaalkii sokeeye ee beelaha walaalaha ah ee wadaaga deegaanka iyo tolnimada. ee ku dhaqan deegaanka domco.
Hadaba anagoo ka duulayna walaaltinimada, tolnimada iyo dhaqanka soo jiraanka ah ee u dhexeeya beeshaGuleed Garaad{barkad} iyo Cabdi Garaad{qayaad}.
Waxaan ka xunahay gadaalkii dhaliyey dimashada iyo dhaawaca ee ka dhacay deegaanka domco, waxaan tacsi u diranaa dadkii walaalaha ahaa ee dhibtu soo kala gaadhay, wixii dhintay ilahaay samir iyo iimaan ha inaka wada siiyo wixii dhaawac ahna ilahaay haka dulqaado.
Waxaan leenahay dagaalka iyo dhiiga sokeeye hala joojiyo si shuruud la’aan ah, hana la fogaado wax kasta oo dhalin kara dhibaato hor leh, hadaan nahay jaaliyada beesha Guud Garaad {barkad} ee ku nool nairobi waxaan ka codsananaa beesha Guleed Garaad ee dhibta badan soo gaadhay inay muujiyaan dulqaad,tolnimo ayna u hogaan samaan wax kasta oo tolkood u soo jeediyaan, joojiyaana ififaalaha colaadeed.
Waxaan Beesha Cabdi Garaad {qayaad} ka codsanaynaa inay dhankooda u dhego nuglaadaan tolkood ayna isxamayn muujiyaan tolnimo iyo walaaltinimo.
Hadaba waxaan leenahay dagaal wiil baa ku dhintee, wiil kuma dhasho, waxaa idiinka dhex shaqaynaya waa shaydaan iyo naftiina.
Gebo-Gebo.
Ilaahay ka baqa joojiya dhiiga sokeeye tolkiina u hogaansama labadiina dhinacba, maanta ma loo baahna colaad sokeeye, wixii horena halaga noqdo xalay dhalay wixii kalena halagu xaliyo walaalnimo, diinta islaamka iyo dhaqanka soo jiraanka ah ee looga bartay dad deegaankaas, Waxaan idiin soo jeedinaynaa in gacmaha lays qabsado lana muujiyo midnimo iyo tolnimo buuxda.
Baaqan waxaa soo saaray dadka magacyadoo hoos ku xusan yihiin.
1: oday cali muuse qoobleex
2: Shiikh cumar dariiqe
3: Xasan jaamac warsame
4: Maxamuud c/raxmaan x axmed{dabay}
5: Maxamed cabdi maxamuud{xule}
6: Axmed c/raxmaan x axmed{karaamo}
7: Maxamaed daahir maxamuud xoosh
8: Khadar maxamuud suleebaan
9: Yaasiin maxamuud dafir
10: C/laahi khaliif suleebaan
11: Xasan axmed faarax
12: C/qani nuur budeeye
13: Maxamed cumar suleebaan
14: C/casiis faarax nuur budeeye
15: C/rashiid xasan maxamed cawad
16: C/raxmaan axmed maaweel
17: Ibraahim maxamuud wade
18: Maxamed xasan caalim
19: Cali warsame dhowre
20: Cabdidaahir kuutiye aw-muuse salaad.
iyo tiro badan oo aan qoraalka lagu soo koobi karin.
Baaqan waxaa ku saxiixan Maxamud C/raxmaan. Xaaji Axmed {Dabay}.
Wabiilaahi Towfiiq.
Short URL: http://allssc.com/?p=32375












