Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Ururka Samafalka Daryeel Oo Maanta Gudoomay Deeq Qalab Caafimaad Oo Lagu Caaminayo Cisbitaalda Gobolada Sool Sanaag Iyo Cayn ( Daawo Sawiro Iyo Video)


Ururka la yiraaho Daryeel oo ah urur ka shaqeeya Samafalka biniaadinmo kana madax banaan arimaha siyaasada Soomaaliya oo xaruntiisu tahay gobolka MN ee wadanka Maraykanka, ayaa maanta ka gudoomay deeq qalab caafimaad Siyaad MaxamudCali oo ah u qaysanaha Soomaalida Xafiiska Senetrada gobolka MN Amy Klobuchar. Deeqdan oo markay gaadho wax badan ka tari doonta dumarka iyo caruurta daryeelka caafimaad u haqabka qaba ee kunool gobolada kor ku xusan iyo nawaaxigooda ayaa dhowaan lagu wadaa in loo diro dadkii loogu talo galay inay ka fa’iidaystaan. Arintani waxay dhiiri gelin u tahay cidkasta oo jecel inay waxka qabtaan horumarinta wadankii hooyo, dhinacyada, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarka kaleba.

Ubax Olol oo ku hadlaysay magaca ururka samafalka ah ee Daryeel waxay mahad balaadhan usoo jeedisay Mudane Siyaad Maxamuud Cali Geele iyo Cisbitaalkii ku deeqay agabka caafimaadka ee aad iyo aadka loogu baahi qabo wadankii hooyo. Mudane Siyaad Cali oo isna hadal kooban kasoo jeediyey halkaas wuxuu ku booriey in qurba joogtu ku dadaalaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen wadankoodii “xitaa haday noqon lahayd goloofyada dhakhtaradu gacmaha gashadaan ” ayuu yidhi wax bay tarayaan.
Halkan Hoose Ka Daawo

 

Halkan Ka Daawo

 

Allssc News Desk

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=28619

Posted by on May 12 2012. Filed under Jaaliyadda ssc, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery