Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Ururka Khaatumo Youth Westmidland Oo Qabtay Shirweyne Balaadhan Oo Ay Kasoo Qaybgaleen Madax Sare Oo Ka Tirsan Khaatumo State( Daawo Sawiro iyo Video).

Bringham(Allssc): Shiirka ay soo qaban qaabiyeen Ururka Khaatumo Youth Westmidland oo ka soo jeeda deegaanada Khaatumo State Of Somalia, ayaa habeenkii xalay oo taariikhduna ahayd 19/05/2012 ka dhacay magaalada Birmigham xaflad ayaa lagu soo showeeyey wafdi ay ka mid yihiin Dr Saleebaan Abdi Ducaale ( G10 ), wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta iyo khayradka  dabeeciga  Abdi  Farax Mahad (Abdi shube) iyo Dr Siciid Warasame Ismaaciil (Shahaado) wafdigaas oo dhawaan safar ku yimi dalka Uk

Hadaba xafladasi ay isku soo dubarideen Ururka Khaatumo  Youth Westmidland waxaa wacdi diini ah ka soo jeediyey Yaasin Maxamed Yusuf,  furitaanka wacdiga diiniga ah ka dib waxaa lagu marti qaaday caqiil cabdirisaq xasan falagug  ), wuxuuna halkaasi ka dhiibtay erayo kooban oo soo dhawayn ah, waxaana  ku xigay gudoomiye ku xigeenka Jaalliyadda Khaatumo State Of Somalia Mudane Dr: Maxamed Cabdiraxmaan oo ka Jaalliya London wuxuu isna ka waramay arimo badan oo khuseeya Jaalliyada Khaatumo ee ku dhaqan UK.
Waxaa isagu madashaasi warbixin dhamaystiran ka soo jeediyey Dr:Siciid Warsame Gole(Dr: Shahaado), wuxuuna marti sharaftii madashaasi isugu timi uga sheekeeyey xilligii ay dagaaladu ka qarxeen deegaanada SSC  inay ka hooseyan marka loo eego gobalada  kaley  maadaama aysan jiraan dad ku soo labtay wadankii waxana ka qabtay  xagga Waxbarasho,Caafimad iyo Horumar waxuuna sheegay  in arimahaa wax laga qabto  iyado dadku  ay aad u qushuucen, waxuu kalo warbixin ka bixiyey dagaaladi gardarada ahayd ee deegaanada Khaatumo ay ku soo qaadeen maleeshiyada SNM.
Dr Shahaado wuxuu halkaasi ka cadeeyey in uu buuhoodle  aad loga faa’iday loona bahan yahay  in dibudhis lagu sameeyo deganka khaatumo  tuulo ilaa gobal  cidina uma maqna ceelna uma qodna  waxa hadaladiisiy  ka mida aheed dadka reer khaatumo inay midooban  midnimaduna waa guul.

Waxaa isaguna goobtaasi lagu marti qaaday Colonel Mohamed Abdi Awad Ateeye oo safar gaaban  kumi magalada Birmingham waxuuna halkaa kasoo jeediya  qudbad dadku dhagaha  la racraacayeen sanqadhuna aay aad uyaratay  isku soo wada duuboo
Waxaa isaguna goobtaasi lagu marti qaaday Dr Saleebaan Cabdi Madoobe oo ka mid ahaa xubnihii guddiga fullinta amaba loo yaqaanay G6, ee bud dhiga u ahaa shirweynihii Khaatumo 1 iyo Khaatumo 2, wuxuuna wax ka taataabtay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen dhinaca Siyaasada, wuxuu xusay doorka qurba joogta ku lahayd shirarkaasi, hada waxa looga fadhiyo oo ah inay sii laba jibaaraan kaalintii ay kaga beegnaayeen taaba gelinta maamulka Khaatumo State Of Somalia, oo ay ku xaydaaban yihiin cadowyo badan oo doonaya in aanu hanaqaadin khaatumo state of somalia

Hadii allaha awooda lihi ogolaado waxaan idiin soo gudbin doona fiidiyowgii aan ka duubnay xafladaasi daawo sawiradii iyo Video

Halkan Ka Daawo

Halkan Ka Daawo

 

 

gudoomiyah ururka khaatumo youthwest midlands  guleed xasan & DR shahaado oo lagudonsiin bilad sharaf

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Allssc News Desk London

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

 

 

Short URL: http://allssc.com/?p=29443

Posted by on May 23 2012. Filed under Jaaliyadda ssc, Khatumo2, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery