Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Mudaharaadayaal Qaxoonti Somali ah Oo Mudo Ku Mudaharadayay Magaalada Ter Apel Oo Police Holland Ka Kala Tuureen Carshaan Ay Dhisteen Badankoodna Xiabsiga U Taxaabay ( Daawo Maqal Muuqaal).

Amstardam(Allssc): Booliiska dalka Holland ayaa waxaa la sheegay inay bur buriyeen oo uu cagta mariyey teendhooyin ay ku jireen qaxooti Soomaali iyo Iiraan ah oo banaanbax ama cabasho ka sameynaayey ka dib markii loo sheegay inay dib ugu noqdaan dalkooda maadaama aanan wax sharci ah laga siineyn dalka Holland oo kiiskoodu uu xirmay.

Halkan Ka Daawo

Halkan Ka Daawo

Soomaalidaan oo ay markii hore goobtaas ku wehelinayeen qaxooti ka socda dalkaas Ciraaq oo iyagu bilaabay inay markii hore ay banaanka xero lagu qaabilo qaxootiga oo ku taal magaalada Ter Apel ee dalka Hollaad ay ka dhistaan teendhooyinkaas cabashada ah iyagoona ka soo horjeestey in dib loogu celiyo dalkooda maadaama ay ku tilmaameen inuu yahay mid qatar ah waqtigaan xaadirka ah, ayaa Ciraaqiyiintii waxay isaga haluuleen teendhooyinkaas ka dib markii uu wasiirka qaxootigu ee dalka Holland Gerd Leers uu u soo jeediyey qorshe ah inay ilaa iyo 15ka bisha soo socoto ee June la qaabili doono oo ayna xaq u leeyihiin hoy iyo cunto iyadoona uu waqtigaas soo gaari doono wafdi Wasiiiro ah oo ka socdo Dalka Ciraaq oo uu Wasiirka kala hadli doono xaalada qaxootigaas ku sugan Dalka Holland iyadoo ay markii hor diideen Ciraaqiyiintu qorshahaas ayey markii dambe aqbaleen iyagoona halkaas ka qaatey qalabkooda ka dibna looga daad gureeyey halkaas basas, Laakiin waxaa goobtaas ku harey qaxooti u badan Soomaali iyo Iiraaniyiin oo ayago arintaas gashaanka ku dhuftey oo diiday inay halkaas ka tagaan taas oo keentay in loo adeegsado booliiska oo halkaas ku bur buriyey teendhooyinkii islamarkaana qaar badan oo ka mid ahaa qaxootigaas oo gaaraayey ilaa iyo 117 qofoodna xabsiga u taxaabay.

Ugu dambeyntiina iyadoo sida uu sheegay wasiirka qaxootiga ee dalka Holland Gerd Leers aysan qaxootigaas wax xaq ah u lahayn in la dejiyo ama la siiyo sharci dalka Holland ah maadaama uu kiiskoodu soo xirmay ayaa qaar ka mid ah qaxootigaas waxay dalbanayaan in loo ogolaado inay iska dhiibi karaan wadamada kale ee reer Yurub, Laakiin kuwaas ayaa waxaad moodaa inay iloowsan yihiin in wadanmmada Reer Europe ay yihiin kuwo isku sharci ah marka loo eego sharciga lagu ogolaado qoxootinimada ama lagu qaabilo qofka, Sidoo kale ayaa intuu uu socday cabashadaas qaxootigu ay sameynayeen ayaa marna uusan soo hadal qaadin wasiirka qaxootigu dalka Holland Soomaalida iyo qaxootiga wadamada kale ee ku sugnaa goobtaas asagoona inta badaN hadlka u jeedinaayey qaxootiga reer Ciraaq oo kaliya.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com

Short URL: http://allssc.com/?p=29839

Posted by on May 26 2012. Filed under Fikradaha, Khatumo2, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery