Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Jaaliyada North America Ee Beesha Maxamed Garaad Oo Tacsi U Diraya Cabdi Faarax Mahad(Cabdi Shube) iyo Reer Cilmi Dhuuto Geeridii KU Timi Samsam Maxamed Cilmi

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaeyhi Raajicuun. Kulu Nafsu Daa’iqatul mowt.

Dhamaan jaaliyada North America ee Beesha Baharasame waxay tacsi halkan uga dirayaan Wasiir Ku Xigeenka Kheyraadka Dabiiciga ah ee maamulka Khaatumo State mudane Cabdi Faarax Mahad(Cabdi Shube), iyo Caruurrtiisa geeridii ku timi Xaaskiisii Marxuumad Samsam Maxamed Cilmi(Dhuuto) oo ilaahay ha u naxariistee dhowaan ku geeriyootay wadanka Ingiriiska. Sidoo kale waxay tacsi taa la mida u dirayaan dhamaan reer Cilmi Dhuuto geerida ku timi gabadhooda. Jaaliyada tacsida nasoo gaadhsiisay oo aan hakan magacyadooda lagu soo koobi karin waxay Ilaahay uga baryayaan inuu marxuumada su’aaasha qabriga u fududeeye, calmalkeedii suubanaana ka aqbalo, janadii Fardowsana ka waraabiyo.
Waxayna u rajaynayaan saygeedii, caruurteedii, qaaradadeedii, asxaabteedii iyo dhamaan tolkoo idilna samir inuu iyo iimaan waafiya kasiiyo . Aamiin.

Bahda warbaahinta Allssc.com waxay iyaguna tacsi taa la mida halkan uga dirayaan Cabdi shube iyo reer Cilmi dhuutaba.

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=28499

Posted by on May 9 2012. Filed under Jaaliyadda ssc, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada