Faroole oo Gaadhi Xaajiyad ah sandareero u siiyey Odeyo u shaqeeya oo degaan ahaan ka soo jeeda Khaatumo

Garoowe(Allssc) Odayaal beryahan u shaqeynayey maamulka Faroole oo la doonayey in lagu kala qeybiyo dadka u dhashay Khaatumo  odayadaan oo laga wada dheregsanyahay in ka doorbideen midnimada tolkood iyo wada tashigii reer khaatumo ay ku yeesheen Taleex sandareero yar oo laga siiyo maamulada cadowga u ah Khaatumo.

odayadan oo laga dhaadhacsiiyey in ay matali doonaan reer Khaatumo ayaa waxaa lagu daabuley diyaarad uu soo kireystey Faroole isagoo doonaya in uu ku gorgortomo ayaa waxay kala soo kulmeen guuldaro weyn ka dib markii ay u surta gali waysay in ay hirgasho qorshihii khayaaliga ahaa.

Waxay odayadan dib ugu soo noqdeen magaalada Garoowe iyagoo la socda isimo uu watey Faroole ka dib markii uu faroole ku amrey in  ay dib u soo noqdaan si uu ugu gaaro dantiisa shaqsiyadeed. odayadan waxay si qarsoodi ah ku joogeen Buuhoodle iyagoo lagu abaalmariyey gaadhi Xaajiyad ah oo uu siiyey Faroole.

Warar oo aan ka soo xiganey madaxtooyada Faroole ayaa naloo xaqiijiyey in looga yeerey magaalada Garoowe sidaa darteed maanta abaaro labadii galabnimo ee maanta oo sabtiya ayaa waxaa si farsama ah uga baxay magaalada Buuhoodle ee xarunta G/Cayn koox uu hogaaminayo Oday Maxamuud Xaaji Cumar Camey oo ay ka mid ahaayen boqorkii hore ee lagala noqdey boqornimadiiC/laahi Axmed Cali dabagooye,iyo Babul Xaaji Cabdilaahi,,iyo xubno kale oo dhawra.

Saaka ayay ahayd markii gaadhigan la siiyay Oday Maxamuud Xaaji Cumar oo xaajiyada laguna qarinayay guriga laga soo saarey ka dibna kaalin shiidaal laga dhaamiyay lagu celiyay gurigii markii ay dadku kala fadhiisteen waxna seexdeen oo ay tahay saacadu 2;30pm ayaa lasoo saarey gaadhiigii cusbaa ee odayga lasiiyay iyadoo xubnaha tagayay gaadhiga ka fuulen ganjeelka gudihiisa qaarkalena ay ku diyaarsanaayen guryo kale oo magaalada halmarna ay ka wada baxeen magaalada iyagoo isku gaadhey riiga iyo wixii ka shisheeya.

Xubnahan oo u baqooley magaalada Garoowe ayaa waxaa ay maalmahanba ka wadeen gudaha magaalad Buuhoodle olole dadka shaki lagu galinayo oo ay ka mid yihiin isim ka soo jeeda Buuhoodle iyo odeytoona kama qayb galin shirka odayaasha,shirka waxaa fadhiistey isimo reer laascaanod ah, ma inaga uunbaa dagaalameyna garoonkeenii meeyay iyo kalmado kale oo aan wacnayn.

Your ads will be inserted here by

Easy AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Balse dadka gobolaka Cayn oo looga bartey geesinimo,daacadnimo,iyo dhulbahante jacayl ayaa ka diidey kuna kiciyay kacdoon lagu diidan yahay waxyaalaha aan munaasabka ku ahayn Dhulbahante ee ay wadaan taasna markii ay meesha ka muuqatey waxay dhimeen socsocodkoodii ay wadeen waxayna aakhirkii adeegsadeen dhalinyaro ay ku leeyihiin ururo sameeya taasina way suurto gali waydey.

Ka dib markii ay dareemen inay dadka gobolka Cayn wadaan abaabul ka dhan ayay qorshaysteen inay iskaga baxaan magaalada Buuhoodle iyagoo qaarkood ay ku joogeen si dhuumasha ah magaalada Buuhoodle ilaa iyo markay yimaadeen iyagoo qaybinayay Virus ay ugu talagaleen inay ku weeraran maskaxda Buuhoodle balse waxaa ku jirey maskaxdaa anti fayras qaaliya oo lagu magacaabo horaanu u daawaney filimkan.

Allssc@allssc.com

Like!
0
  • Like!
    0

Comments: