Xaqii Shacabka SSC Ee Labaatanka Sano SSDF Iyo SNM Cunayeen oo Soo Dhicintiisii Bilaabatey

London (Allssc.com) 26 Maarso 2012

ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR!!!!

Xaqii Labaatanka sano SSDF Iyo SNM ka cunayeen shacabka SSC, kaas ooy ka maanaceen masuuliyiinta labadaa jabhadood caruurta SSC hadey noqoto talaal, caafimaadka caadiga ah amaba dawooyinka ay bixiyaan hey’adaha caalamiga ihi, waxey kaloo ka maanaceen labadaa jabhadood in ceel qudha ay ka qodaan hay’adaha caalamiga ihi ama UNDP.

Waxaa laga mamnuucay innaba iney wax qeyba ka helaan deeqaha waxbarashada ah ee tiro dhaafey iney wax ka helaan, waxaa loo diidey wax dawo ah iney ka helaan dawooyinka iyo qalabka bilaashka ah ee ay ku deeqdo laanqeerta casi waa laga horjoogsadey gobolada SSC.

Waxaa loo diidey inaba in wax degenaansho ahi ka dhacaan degaanada SSC, degenaanshahaas oo fure u ah maalgashiga ay dadka somaalida ah iyo kuwa ajaanibka ihi ku sameyn lahaayeen gobolda SSC.

Waxaa loo diidey oo ay jeebabkooda ku shubteen mushahaarkii loogu talo galey ciidamada boliiska sedexdaa gobol oo calaa askari UNDP-du ku bixiso min kun dolar, waxaa kaloo jeebka lagu shubtey mushahaaroouýinkii loogu talogaley cuqaasha iyo isimada SSC taas oo labadaa jabhadood si toosa ilaa hada u qaataan ooy ku adoonsadaan ilaa hada qaar ka mida madax dhaqameedkeena. Akhriste intan yari waa inyar oon kasoo qaatey boobka ay labada jabhadood ee SNM iyo SSDF ku hayeen xuquuqda shacabka dulman ee SSC.

ALXAMDULILLAAH!!! ALXAMDULILLAAH!!

Your ads will be inserted here by

Easy AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Maanta waxaanu aragney bidhiiqii u horeeyey ee nuurka xoriyada, kadib markey noosoo iftey horaantii xaqii u horeeyey ee shacabka SSC mudada 20-ka sano ah nalaga cunaqabataynayey, kaas ooy ugu horeeysey ineynu maanta maamul somaali oo dhami aqoonsatey aynu yagleeley (KHAATUMO STAE OF SOMALIA), ta kale waxaa uu madaxweyne kuxigeenka khaatumo State la saxeexdey dawlada federaalka ah wada shaqeyn toos ah, wasaarada waxbarashada ayaa iyana saxeexdey iney deeqaha waxbarasho ee dibada ay qeybtooda toos u helayaan.

Waxaa kaloo maanta wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha ee maamulka Khaatumo Mudane Xuseen Suleymaan (Dhegaweyne) uu si sharaf leh uga gudoomey wasiirka warfaafinta ee Federaalka idaacad meelo fog-fog laga dhegeysan doono hadii eebo idmo, dhamaan waxyaalahan ayaa ah waxyaalo ay hore dawlada federaalka uga gudoomeen dhamaan maamulada hoostaga Federaalka sida Galmudug, Puntland iyo ximan xeeb ay hore u wada heleen dhammaan deeqahaa iyo weliba kuwo weli kamaqan shacabka SS maamulkooda  barakeysan ee Khaatumo State kaas oo kaadirada khaatumo weli ku hawlanyihiin sey gudo iyo dibadba uga soo dhicinlahaayeen xaqaa mudada dheer ay labadaa jabhadood ee SSDF iyo SNM dulmiga ugu heshiiyeen shacabka SSC.

ALAAHU AKBAR ALAAHU AKBAR WAA GUUL WAAGUUL!!!! 

London

Allssc newdesk

allssc@allssc.com

 

Like!
0
  • Like!
    0

Comments: