Khaatumo State waa Maxay Aqoonsiga ay u baahan tahay ?

waxaa todobaadkan haystay warbaahinta hadal haynta Aqoonsiga Khaatumo iyada oo hadalo is burinaya ay warbaahinta isku marinayeen Masuuliyiin kale duwan oo heer  Fedraal iyo Dawlad Gobaleedba ah sidoo kalena waxaa Xafiiska R/wasaaraha ka soo burqanayey Waraaqado is burinaya oo dhamaantood ku saabsan yihiin Aqoonsiga Khaatumo waxaan kale oo la yaabay Wasiir Soomaaliyeed oo doonaya in uu Laaluush qaato si uu u hor istaago Aqoonsiga Khaatumo

Maamulka Khaatumo State sidee ku dhashay

Dhamaandkii Sanadkii hore ayaa degmadda taariikhiga ah ee Taleex waxa shirweyne ugu furmay Beelaha Soomaaliyeed ee wada daga Gobaladda Sool.Sanaag iyo Cayn iyada oo shirka horaantiisii ay kali ku ahayd Beesha Dhulbahante oo si weyn isku turxaan saaraysay dibna ay kaga soo biireen Beelaha Faqashine Hawiye iyo Madhibaan

shirkaas ayaa lagu qabtay sida dhaqanka Soomaaligu ahaa Gees Bartaha hoostii kaas oo si aad ah loo qurxiyey isla markaasna ma jirin cid ka maqan shirkaas oo taladu ka go’du madax iyo majaba looma kala maqnayn, waxana uu ahaa shir taladu loo wada siman yahay oo ay waxkastaba ay yaaleen Geedka hoostiisa inkasta oo Ergooyin la soo xulay ay xaajooyinka hoose iska arkayeen hadana 2000 oo qof noockastaba leh ayaa la gardaadinayey masiirka beesha ee laga hadlayey

Reer Khaatumo waxa ay gorfeeyeen Xaaladaha Horumarineed, Amni iyo Siyaasadeed ee ay ku sugan yihiin waxana ay daraasad ku sameeyeen sida ay uga bixi karaan dhibaatooyin fara badan oo madasha looga dooday waxana Dhamaanba ka qayb galayaashii shirku isku raaceen in Deegaanadaas loo sameeyo Maamul Gobaleed daboola baahiyaha taagan ee bulshadan ka reebay Soomaalida kale iyo waliba in la helo cid Siyaasadda u matasha

Isimadda, Cuqaasha, Nin garboodka, haweenka , Dhalinyaradaha iyo qaybaha kala duwan ee Gobaladda SSC ayaa cod buuxda ku ansixiyey in ay Maamul samaystaan isla markaasna Ergooyinka shirku ay ku dheeradaan in ay dhamasttiraan qaabkii uu noqon lahaa Maamulkooda waxana Maalinkaas buray dhamaanba Heshiiyadii Nabad ku dhisnaa ee Beesha Khaatumo la gashay Maamuladda Somaliland iyo Puntland sida ay gudoomiyeen Golaha Sare ee Dhaqanku waxana Gabo gabadii la dhisay Maamul ku cusub Soomaaliya iyo Afrikaba

Khaatumo State waa Maamul Noocee ah Xagee buu ka taliyaa ?

Khaatumo State waa maamul cusub kuna yimi qaab rabitaanka Shacabka deegaanadaas waxana muuqata in taladda Maamulkaasi aysan ahayn mid cid gaar ah gacanta ugu jirta oo dadweynaha Khaatumo oo dhan ay u halgamayaan sidii uu Maamulkaasi u dhaqaaqi lahaa hormuudna ay u yihiin Golaha Madaxtooyadda iyo Golayaasha kale ee sharciga ah

Maamulka Khaatumo State waxa uu lee yahay Dhul aad u baaxad weyn oo leh Khayraad dabiici ah oo Soomaalida kale ku yar, hodanimadda Soomaaliya ee dhinac Shidaalkana wax la hubo waxaa jirta Bagcada Holhol oo ku taala Dooxadda Nugaaleed ee Khaatumo waxa Khaatumo ka weyn tahay Wado Caalamka ah oo ku jira Qaramadda Midoobay

Dadka Khaatumo State waxaan filayaa in aan muran ka taagnayn in ay buuxin karaan Sharuudaha in Maamul hoosaaska samaystaan waxana dadka Khaatumo ka badan yihiin reer Khaatumona waa ay dhisan karaan kaligood maamulkooda iyaga oo ka qayb qaadanaya Horumarinta, Xoranta iyo waliba dakhli ururinta gudo iyo dibaddba

Aqoonsiga Khaatumo waa Noocee

Your ads will be inserted here by

Easy AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

ma ahan in si khaldan loo tarjumo xidhiidh dhexmara DFKM iyo Khaatumo, mana ahayn hadii sida loo dhigayo Aqoonsi la siin waayo Khaatumo in ay burburayso ee waa Maamul shacabkaasi samaystay Aqoonsiga Khaatumona waa wax qabsiga iyo habsami u socdka Maamulka isla markaasna in deegaanadda Khaatumo ee xorta ah amaankooda la sugo loona sameeyo Haayadaha Sharci dajinta korna loo qaado Arimaha Bulshadda sidoo kalena loo hawl galo sidii loo xorayn lahaa Deegaanadda maqan ee Khaatumo Nabad iyo Colaadba

Xidhiidhka Khaatumo iyo DFKM ee Soomaaliya

Dhulka Khaatumo State waxa uu ka mid yahay Jamhuuriyada Soomaaliya dad ahaan iyo Maamul ahaanba Maamulka Khaatumana waxa uu taageersan yahay Dawladda jirta waxana uu soo dhaweynayaa wax kasta oo lagu helayo Midnimadda Soomaaliya, Khaatumo wax aqoonsi ah ugama baahna DFKM waayo waa maamul jira kana hirgalay Deegaanadda loo igmaday Aqoonsina waxaa u ah taageeradda buuxda ee Shacabka Khaatumo

DFKM iyo Maamulka Khaatumo waxaa looga baahan yahay in labadda dhinac ay wada shaqayn buuxda kala helaan mar xaladda dalku uu marayona laga wada socdo iyo waxa ku soo kordha, DFKM waxa ay u baahan tahay Taageeradda Khaatumo cudud ahaan iyo Calaf ahaanba Khaatumona waxa ay u baahan tahay gacan qabadka DFKM maadaa ay curdin tahay

Gabo Gabo

Khaatumo ha jirtoo ha joogto, Shacabka Khaatumona waxaan ugu baaqayaa  in ay labo laabaan sidii Maamulkoodu u hano qaadi lahaa loona goosan lahaa miraha ka soo baxa, Khaatumo waa maamul jira jirina doona xilkooduna waa meerto ee aynu ka wada shaqayno sidii uu u hano qaadi lahaa

W/Q Cabdiqani Makhtal Maxamed

cabdiqanimakhtal@hotmail.com

0025224105913

Buuhoodle Khaatumo

 

 

Like!
0
  • Like!
    0

Comments:

3 Comments

  1. huda March 14, 2012 at 2:15 pm - Reply

    maan shalaah dhamaan reer khaatumo oo bardihii taleex ku shiray ala maxaa cadaw badan ka naxay Alahayow na tageer khaatumo way tisiqaaday guul baynu gaadhnay khaatumo guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul

  2. c/laahi xasan March 22, 2012 at 7:31 am - Reply

    magceygu waa c/laahi xasan ismaacil oo lagu naaneyso mr.lion waxaan joogaa magaalada muqdisho waxaab salaamayaa dhamaan reer khaatumo and dadkii jcl dadlada khaatumo aad iyo aad ayaan ayaa u xiseeyaa khaatumo state of soomalia kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk guul ayaan leeyahay reer khaatumo?

  3. mohamed ahmed jafaal April 1, 2012 at 7:46 am - Reply

    khatumo aqoonsi ma ubahno ayaada is aqonsinayso aduunka

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>