Hannaanka dhaqaalaha Islaamka (qeybta 1aad) Sh. C/Qani Xuseen M’ed
Cudur Daarasho:
Maqaalkan waxaan qayb ahaan diyaariyey, inaan faafin doonana ballan qaaday dhammaadkii sanadkii 2008dii oo ahayd wakhti ay cusbayd dhibaato dhaqaale oo caalamka gilgishay kana dhalatay burburkii suuqyada maaliyadeed ee mareykanka, wakhtigaas oo aan qoray maqaal lagu faafiyey websites badan iyo warsidayaal kaleba, lana magac baxay“Fuuq baxa suuqyada maaliyadeed ee Mareykanka”, kaasoo ka koobnaa laba qaybood. Hadaba waxa aan aad iyo aad u raalli gelinayaa akhristayaashii maqaalladaas hore la socday iyo walaalihii wakhtigaas ila soo xidhiidhay ee iga codsadey inaan dhamaystiro maqaalka, aanse ka gaabiyey wakhtigaas inaan ballantaydii oofiyo ama codsigoodii fuliyo.
Habeynta maqaalka
Habeynta maqaalka
1) Hordhac- macnaha cilmiyeed ee dhaqaalaha
2) Macnaha dhaqaalaha islaamka
3) Mabaa’dida guud ee dhaqaalaha islaamku ku dhisan yahay
4) Kala duwanaanshaha dhaqaalaha islaamka iyo dhaqaalaha kale
Hordhac
Waxaynu maqaalladii hore kaga hadalnay, si koobanna u sharaxnay dhibaatadan ku habsatay ee ragaadisay socodkii suuqyada maaliyadda ee adduunka, gaar ahaan mareykanka iyo sababaha ugu muhiimsan ee burburkaa ka danbeeyey.
Fadlan eeg linkiyadan si aadd u akhrido:
Fuuq-baxa suuqyada maaliyadeed ee mareykanka (q.1aad).
Fuuqa-baxa suuqyada maaliyadeed ee mareykanka (q.2aad)
Hadaba nuxurka qoraalkani waxa uu noqon doonaa in aynu waxoogaa hoos ugu daadegno:
1- Hannaanka dhaqaalaha islaamka (Islamic economy system).
2- Hagardaamooyinka dhabta ah ee ku jira hababka dhaqaale, gaar ahaan hannaanka raasamaaliga ah (capitalism) ee maanta aduunka aadka loogaga dhaqmo.
3- Raad-ceynta xalka dhabta ah ee adduunku kaga bixi karo dhibta.
Cilmiga dhaqaalaha
Dhaqaaleyahanno badan ayaa isku dayey inay eray bixin u sameeyaan ama si kooban u tacriifiyaan dhaqaaluhu waxa uu yahay, waxaynu se ku kaaftoomeynaa macneynta dhaqaalaha uu siiyey ninka la yidhaahdo “Paul Samuelson” ee uu ku tilmaamay kitaabkiisa (Foundations of Economic Analysis), ninkan oo ahaa dhaqaaleyahan reer galbeed ah oo aad loo yaqaano, noolaana qaybtii hore ee qarnigii labaatanaad, waxa uu ku tilmaamay dhaqaaluhu inuu yahay “Daraasaynta dariiqada ay dadku u isticmaalaan ilaha xaddidan ee khayraadka ay haystaan, iyo sida ay u maamulaan isku fillaynsiinta khayraadkaas wakhtiga la joogo iyo mustaqbalka soo socda”.
Hadaynu tacriifkan u fiirsanno waxaynu arkaynaa in aragtida dhaqaalaha aan islaamiga ahayni ku salaysan tahay waxa la yidhaahdo “Scarcity” oo macnaheedu yahay ku fillaansho la’aan, taasoo ay ka dhalaynayso:
1- In khayraadka aduunka yaallaa aanu banii’aadamka ku fillayn, sidaa awgeedna ay tahay in cilmiga dhaqaaluhu ka shaqeeyo laysku fillaysiiyo.
2- In baahida dadku aanay xad lahayn, qof kastaana uu u ordayo inuu haqab-baxo (ka cokanaaado wax kasta).
Labadan qodob ee kor ku xusan waxaynu si gaar ah isu dul taagi doonnaa marka aynu ka hadlayno mabaadi’da uu dhaqaalaha islaamku ku salaysan yahay.
Dhinaca kale cilmiga dhaqaaluhu waa cilmi ka mid ah culuumta bulshada, waxaanu diraaseeyaa dabeecadda xidhiidhka ka dhexeeya dadka, hay’adaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee kala duwan, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha wax soo-saarka, isticmaalka iyo qaybsiga khayraadka.
Hababka dhaqaale ee adduunka
Qarnigii labaatanaad waxa adduunku u xidhnaa laba awoodood oo loollan adagi ka dhexeeyey, kaasoo lagu magacaabi jirey dagaalkii qaboobaa (cold war), labada quwadood oo ay kala metelayeen Mareykanka iyo midowgii soviet-ku waxa ay kala lahaayeen, hannaanno dhaqaale oo kala soocan, quwadii reer bariga ee uu ruushku hogaaminayey waxa ay ku dhaqmi jirtey waxa lagu magacaabo hanta-wadaag (socialism) kaasoo ku taagnaa qawaacid iyo tiirar ugu danbeyntii galaaftey, waxaanu nidaamkaas dhaqaale la dhacay goblankii nidaamkii ilaalinayey ee shuyuuciyadda.
Dhinaca kale awoodda reer galbeedka waxa uu dhaqaalahoodu ku socday habka loo yaqaanno hanti goosiga (capitalism).
Waxa isna jirey hannaan dhaqaale oo saddexaad kaasoo aad uga geddisan labada hore lehna tiirar adag oo uu ku qotomo iyo kaabayaal ma guuraan ah oo cilmiyeysan, waana hannaan ay dayaceen dadkiisii, intii lagu dhaqmayeyna aan lagu arag wax turunturrooyin ah oo ku yimid, halka labada hannaan ee kale ay ku qaan gaadheen kacaakuf ugu danbeyna u hoobteen haadaamo aanay ka soo waaqsan karin.
Hannaanka saddexaad waa hannaanka dhaqaale ee islaamka oo aynu qoraalkan u gaar yeellay, inteynaanse u gelin nuxurka mawduuceenna, bal aynu si kooban dul ka xaadis ugu sameyno labada hab dhaqaale ee kala ah hanti-goosiga ama raasamaaliga (capitalism) iyo hanta-wadaagga ama ishtiraakiga (socialism).
Hababka dhaqaale ee Ra’samaaliga iyo ishtiraakiga
Nidaamyadan dhaqaale waxay ku dhisan yihiin cilmiga lagu daraaseeyo xidhiidhka ka dhexeeya baahida banii’aadamka ee aan xadeysneyn iyo khayraadka xaddidan ee dhulka korkiisa yaalla, si loo haqab-tiro baahida iyadoo loo adeegsanayo khayraadkaas sida ugu haboon, laguna dadaalayo kobcintooda”, waxa ay ku kala duwan yihiin mabda’a lahaanshaha keliga ah iyo xorriyaddiisa, iyadoo nidaamka raasamaaliga ahi ku salaysan yahay suuq furan iyo xorriyadda lahaanshaha, dhinaca kale nidaamka hanti-wadaagu waxa uu u taagan yahay ilaalinta lahaanshaha wadareed, iyo haqab-tirka baahida guud.
Labada hab dhaqaale waxa ay ku dhisan yihiin oo kale mabaadi’ ama aragtiyooyin ay ka midaysan yihiin oo dhaqaale, halka ay jiraan aalado maaliyadeed (financial Instruments) iyo kaabayaal dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin.
Dhaqaalaha islaamka
Dhaqaalaha islaamka waxa aynu si kooban ugu macneyn karnaa inuu yahay “cilmiga nidaamiya xidhiidhka u dhexeeya qofka iyo maalka, hadday tahay hannaanka wax soo saarka dhaqaale, kobcinta iyo habka isticmaalka iyo bixintiisaba, si waafaqsan mabaadi’da iyo axkaamta shareecada islaamka”.
Islaamku waxa uu maalka iyo dhaqaalaha siiyey ahmiyad wayn, maalkana waxa uu soo qaaday inuu yahay laf dhabarta noloshu ku taagan tahay, sida ay tilmaamayso, aayadda 5aad ee suuratu nisaa, waxa kale oo uu maalku ka midyahay ujeeddooyinka lama huraanka ah ee ay shareecadu u soo degtay inay ilaaliso.
Haddaad u fiirsato kitaabka quraanka ah waxa aad si cad u arkaysaa in suuradaha quraanka intooda badani koobsadeen mabaadi’, xakameeyayaal, qodobbo iyo erayo maaliyadeed, laga bilaabo aayadaha ugu horeeya suuratul baqara ilaa laga soo gaadhayo suurat al masad.
Maalku waxa uu ka mid yahay walxaha wanaagsan ee Ilaahay loogu dhowaado kuwu ugu muhiimsan, wax soo saarka dhaqaale (production) iyo isticmaalka waxa la soo saarey (consumption) waxay ka mid yihiin su’aalaha afarta ah ee addoonka la waydiin doono maalinta qiyaame intaanu goobta laysku xisaabinayo ka dhaqaaqin.
Arimahaas iyo kuwo kale oo badani waxay si cad u muujinayaan ahmiyadda islaamku siiyey maalka, dhaqaalaha, wax soo saarka, bixinta iyo kobcinta maaliyadeed iyo dhaqaale intaba.
Dhaqaalaha islaamku waxa uu leeyahay mabaadi’ aasaasi ah oo uu ku qotomo, kuwaasoo isugu jira mabaadi’ sugan (fixed principles) oo aan is beddel aqbali karin iyo kuwa is beddel aqbali kara (flexible principles), lana jaan qaadaya habda wakhtiga iyo aminta la joogo.
Waxa kale oo uu dhaqaalaha islaamku leeyahay aalado maaliyadeed iyo kaabayaal dhaqaale oo waaweyn.
Dhaqaalaha islaamku waxa uu kaga geddisan yahay dhaqaalaha kale ee banii’aadamku dhigteen arrimo waaweyn oo sabab u ah burburka dhaqaalaha hantiwadaagga ah iyo kan hantigoosiga ah.
La soco qaybta labaad
Abdulqani Hussein Mohamed
PhD, (Candidate) Islamic Financial Engineering
Short URL: http://allssc.com/?p=18405













