Menu

Kayse Cabdi Yuusuf iyo xubno kale oo la socda oo isku dhiibey jabhada SNM.

Hargeysa(Allssc.com )Xubno uu horkacayo Kayse Abdi Yuusuf, ayaa waxay soo gaareen  magaalada Hargaysa ee maamulka dhiigyacab Siilaanyo, xubnahan ayaa waxaa tegitaankoodu ka danbeeyey ka dib markii ayaamahanba ay kulaa shir sanaayeen tuulada Geed dheer xubno ka socdey jabhada SNM iyo beesha Habarjeclo.

Waxaana la sheegay in Kayse raggan la socdaaba ay wataan qaar ka mid ah hubkii qurba joogta Guulleed Garaad, kaasoo ay kala baxsadeen dhawaan dagaalkii Kalshaalle, arintan ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala gedisan sababta ka danbaysay, waxaana wararka qaar tibaxayaan in dad waa weyni ay ku lug lee yihiin.

Keyse oo ku sii hakaday magaaladda Burco ayaa waxaa halkaa ka sii galbiyey xubno sare oo ka mid SNMta iyagoo  soo gaarey  Magaaladda Hargeysa caawa lana  dejiyey hotel aan la garaneyn.

Amina Waris, Allssc Hargeysa Somalia

Allssc@allssc.com