Siyaaadso Aqoontaada Oo Baro Umuuraha Diintaada Islaamka.
Abuu Dar, Alle haka raali ahaadee, oo ka mid ahaa asxaabtii Rasuulka, sallalaahu caleyhi wasalam (SCW) waxaa laga weriyey inuu yidhi waxaan u imid Rasuulkii (SCW) oo jooga masjidka markaasaan fadhiistay. Wuxuu iyu yidhi “Abuu Dar ma tukatay?” Waxaan idhi maya. Wuxuu yidhi “Istaaagoo tuko”. Waan istaagay oo tukaday kadibna waan fariistay. Markaasuu yidhi “Abuu Dar, ka magangal Alle sharka shayaadiinta insiga iyo jinniga”. Waxaan ku idhi “Rasuulkii Allaw insigu ma shayaadiin buu leeyahay?” Markaasuu yidhi “haa”. Waxaa weriyey imaam Axmed iyo ibnu Maajah.
Rasuulkii Alle (SCW) wuxuu yidhi “Hodantinimadu ma aha xoolo badni laakiin hodantinimadu waa hodantinimada nafta”. Waxaa weriyey Bukhari iyo Muslim.
Rasuulkii Alle (SCW) wuxuu yidhi “Maalinta Qiyaamaha dadku wuxuu isu taagi Rabbigii caalamka, dadkana dhididkoodaa xakamayn ilaa uu ka kaadho dhegahooda”.
Waxaa weriyey Imaam Axmed Bin Xamabal.
Waxaa kale Rasuulku (SCW) sheegay “Khayr ma leh diin aan salaad lahayn”.
Taasina waxay ku tusi inay salaada iyo islaamnimadu isku xidhan yihiin.
Rauulkii Alle (SCW) wuxuu yidhi “ Ruuxii badiya codsiga dambi dhaafka (waa adigoo dhaha astaqfurulaah), wuxuu Alle murugo walba uga yeelaa faraj, cidhiidhi walbana wuu
ka saaraa (ka bixiyaa), wuxuuna ka arsaaqaa meeluusan wax ka filanayn”.
Waxaa weriyey Imaam Axmed.
Wuxuu yidhi Rasuulkii Alle (SCW) “Waxaan idin faro, kala imaada waxaad kartaan, waxaan idnka reebana ka reebanaada”. Waa xadiis saxeex ah
Rasuulkii Alle (SCW) wuxuu yidhi “Ruuxii hadla maalinta jumcaha imaamkoo khudbadda akhriyaya wuxuu la midyahay dameer kutub xanbaarsan. Ruuxii ku dhaha aamusna jumce uma jiro”. Waxaa weriyey imaam Axmed.
(Waa in la aamusnaadaa oo aan la hadlin inta labada khubadood socdaan. Qofkii hadlana jumce uma jiro sidaa hala ogaado. Laba khudbadood waxay u taagan yihiin laba rakcadood intay socdaanna waxay la midtahay iyadoo salaad lagu jiro).
Rasuulkii Alle (SCW) wuxuu yidhi “Ruuxa soo jeeda oo tukada Laylatu Qadarka, rumayn iyo ajri doon darteed waa loo dhaafaa wixii dambi uu horay u falay”.
Waxaa weriyey Abuu Hurayrah. (Hala xusuusto bishaaradaa wayn waqtigeeda).
Rasuulkii Alle Muxammad (SCW) wuxuu yidhi “Yuhuudi waxay u kala baxday 71 firqadood, Nasaarana waxay u kla baxday 72 firqadood, ummadayduna waxay u kala bixi 73 firqadood, dhammaantoodna naartay gali mid mooye”. Markaasay asxaabtii dhaheen “Waa tee Rasuulkii Allaw?” Wuxuu yidhi “Waa ta ku socota sidaannu nahay aniga iyo asxaabtaydu”. (Ruux walba ha hubiyo inuu u dhaqmo sidii Nebigii iyo asxaabtiisii).
Maxamed Cali Daad
Short URL: http://allssc.com/?p=4860














alle ajar iyo xasanaad hakaa siiyo,aadbaad noogu faaiidaysay alle hanaga yeelo kuwii ku cibro qaata,kuna dhaqma,macaanka diintana uu alle fahamsiiyo,adna ajar iyo xasanaad alle hakaa siiyo idanka alle.waxaan kale oo aanu alle karajaynaynaa in uu naga yeelo firqadda keliya ee jannada gasha nagana badbaadiyo kuwaa naarta loo asteeyey.mahadsanid markale yaa muxamed cali daad.