Waa Kuma Khaliif Ciise Mudan? Danbiile Dagaal

Waa Kuma Khaliif Ciise Mudan? Danbiile Dagaal

Khaliif Ciise Yuusuf (loo yaqaan Kalif Isse Mudan, Khalif Isse Yusuf, Khaliif Ciise Mudan, Khaliif Ciise Yusuf Mudan) waa nin ganacsade ah asal ahaanna ka soo jeeda gobolada Puntland. Khaliif wuxuu ku dhasay Qardho bartamihii qarnigii hore ee sannadihii kontomeeyadii; wakhtiga dhalashadiisuna ma sugna.
Intii ay jirtay dawladdii hore ee Soomaaliya Khaliif waxa uu ahaa duuliye ka tirsanaa ciidamadii cirka ee Soomaaliya laga soo bilaabo sannadkii 1971kii; wuxuuna ka soo qayb qaatay dhammaan howlgalladii ciidamada cirka hadday ahaan lahayd dagaalladii Soomaaliya iyo Itoobiya iyo kuwii sokeeye ee dhamaadkii siddeetanaadkiiba waxa la sheegayaa inuu ahaa Duuliyii Waday Diyaaradii Duqaysay Gobolka Woqooyiga Somaliya Danbiile Khaliif Ciise Mudan,
Khaliif oo dhalashadiisu tahay Soomaali ayaa ku-safra baasaboor Itoobiyaan ah; Khaliif wuxuu kaloo magac dahsoon ku-haystaa sharciga daganaanshaha Ingiriiska (United Kingdom Residence Permit). Baasabooradaas iyo waraaqaha safarka ayuu Khaliif Ciise hadba kii duruufta ku habboon u isticmaalaa safarradiisa tirada badan ee uu ugu kala gooshka adduun-weynaha.
Ganacsiga & Kheyraadka Badda
Mudane Khaliif Ciise oo ah ganacsade wayn, siyaasi iyo waliba boqre/boqor-sameeye (Kingmaker), ayaa xiriiro kala duwan la-leh shakhsiyaad isugu jira ganacsato, Isimo iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ka soo kala jeeda degaamada kala duwan ee Soomaaliya.  Dadka ka soo jeeda Puntland ee ay xiriirka baaxadda wayn leeyihiin ayaa waxaa ka mida Jaamac C Jaamac oo ay madaxwayne u doorteen 11 ka mid-ah 63ka isin ee Puntland. Shakhsiyaadka kale ee ay aadka isugu dhowyihiin Khaliif kana soo jeeda Puntland ayaa waxaa kamida Ganacsade Mud. Cabdullaahi Xaaji Khayr (loo yaqaano Cabdullahi Xaaji Danbi) aadna loogu yaqaano ganacsiga mukhaadaraadka, sababo arintaas la xiriirana kal hore looga soo musaafuriyay waddamo shisheeye.  Dhinaca kalena, dadka aan ka soo jeedin Puntland ee xiriirka wayn ka dhexeeyo Khaliif iyo Cabdullahi Xaaji Danbi, ayaa waxa kamida ganacasade Maxamed Daylaaf oo ah nin aad ugu xiran KMG ka Carta, qaraabo hoose na la ah C/Qaasim Salaad.
Ganacsiga Mudane Khaliif Ciise waxaa ka mid-ah Shirkadda Diyaaradaha Damal ee u-kala gooshta Soomaliya iyo Isu-Taga Imaaraadka; hoteelka wayn ee Panaroma kuna yaal bartamaha Boosaaso iyo Mid Cusub oo haatan laga Furay Dalka Jabuuti ; warshado iyo ganacsiyo yar-yar oouu gaar u leeyahay ama lala-leeyahay Sidoo kale wuxuu Laanta Sirdoonka ee PISta- Puntland Intelgent Service  u qaabilsan isku xidhka  Laantaasi iyo Dawlada Ethiopia Madaaba uu yahay Oday Xidhiidh Hoosaad Fiican la leh Dawlada Aaynu Jaarka Nahay ee Ethiopia
Waa meelaha lagu nasto lacagtii laga helay suntii lagu daadiyey Soomaaliya
Ganacsiga Khaliif waxaa kamid ah shirkadda PIDC (Puntland International Development Corporation) oo uu saamile ka yahay.  Shirkaddaan oo ay xarunateedu tahay caasimadda Cumaan ee Masqat  ayaa waxaa ay wadaagaan nin ajnabi ah, magaciisana la yiraahdo Mud. Richard Simmons. PIDC waa shirkaddii u dhaxeeyasay maamulka Puntland iyo shirakadda HART Group-Somalia oo qandaraas loo siiyey in ay ilaaliso, isla-markaana maamusho kheyraadka badda ee Puntland. HART Group waxay kaloo mas’uul  ka ahayd tababarka iyo maamulka ciidankii badda ee Puntland, halka ay  PIDC gacanta ku haysay maamulka mushahaarada ciidamada badda iyo qalabkoodaba. Hase Yeeshee Ma aysan Samayn Ujeedka loo Idamaday waxay Sun aad u Badan ku Shubtay Shirkadaasi Xeebaha Somaliya Gaar ahaan Gobolada, Khaliif Ciise Mudan wuxuu Lacag Fara badan Ku Qaaday in Shirkada Harti Group ay Suntaasi Xeebaha Somaliya ku Shubto Dabadeedna loo Galiyo Shaati ah inay Xeebaha ilaalinayso” Baroorto Orgiga ka Wayn”Wakhti danbe ayaa la Ogaaday Ujeedkii Qarsoonaa ee Khaliif Ciise Mudan.
Dabeecadda Qandaraaskii HART Group iyo Xiriirka Dawladda
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa dhammaadkii 1999-kii iyo bilowgii sannadka 2000, qandaraas u siisey PIDC-da Khaliif Ciise in ay wakiil uga noqdaan macluumaadka iyo dakhliga la-filayo inuu ka soo xeroodo shirkadda HART Group. Ansaxinta heshiiskaas waxaa saxiixay madaxwaynaha Puntland isagoon la-tashan baarlamaanka dawladda. HART Group ayaa qirtay inuu yahay afar milyan oo doolarka maraykanka ah dakhliga PIDC uga soo xerooday shirkadda HART Group. Qaybta ku aaddan dawlad goboleedka, marka laga jaro dullaalka PIDC, mushaarooyinka iyo qalabaynta ciidanka, ayaa la-filayay inay noqoto milyan iyo bar doolarka maraykanka ama boqolkiiba 38%.  PIDC iyo maamulayaasheeda ayaan illaa iyo hadda siin maamul goboleedka Puntland qaybtii uga beegnayd dakhligaas Waxana Lacagta intaasi leg Musu Maasuqay Khaliif Ciise Mudan oo Wakhtigan Doonaya inuu Gashado Shaati kale isla markaana sheego inuu Shacabka Somaliyeed Bad baadinayo!!
Cabdullahi Yuusuf, madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland  Wakhtigaasi ka ahaa , oo ay xasarad siyaasadeed oo aad u kululi gudaha uga furaydn ayaa wax-yaabaha uu eersaday, mucaaradkiisuna aad ka u isticmaaleen waxaa kamid ah, sida ayan PIDC wax xisaab celin ah u sameeyn iyada oo barlamaanku in badan maamulka ka codsaday in uu arintaas banaanka u soo saaro, haseyeeshee uu maamulku codasay in arintaas dib loogu dhigo dhow jeer.
Korneel Jaamac Cali Jaamac oo Wakhtigan ah Xubin Baarlamaanka Somaliya ka mid ah  oo ay Khaliif iyo xulufadiisu u doorteen jagada hogaanka Puntland ayaan isaga innaba wax rajo ah laga qabin inuu wax uun xisaabtan ah kala horyimaado Khaliif.  Si-kastaba ha ahaatee, Khaliif Ciise illaa iyo hadda lagama hayo xisaabtan ama macluumaad ku saabsan xoolihii iyo xisaabtii ka dhaxaysay reer Puntland ee uu wakiilka uga ahaa laguna aaminay.
Bilowgii 1999kii, ayaa xiriir xagga duullimaadka ah oo ay aad uga soo wada shaqeeyeen Puntland iyo Itoobiya, waxa uu maamulka Puntland qandaraas ku siiyay in Shirkadda Dayuuradaha ee Damal ay noqoto diyaaradda kaliya ee qaadata xuquuqda duullimaadka ee u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya iyada oo la is la meel dhigay xuquuq xadidan oo ay ku shaqeeyso, duruufo amni awgood (‘National Carrier with Restricted Landing Rights’).  Nasiib daro, Khaliif Ciise ayaa maya iyo diiday midna kula dhici waayay saaxiibadiis reer Muqdisho, isagoo duulimaadkii ugu horeeyay ee Damal oo dariiqiisu ahaa Boosaaso-Addis Ababa iyo Addis Ababa-Boosaaso kaliya, si lama filaan ah ugu badalay Addis Ababa-Muqdisho-Boosaaso! Eed la’aan, Itoobiya oo horay ugu digtay, uga afeefatay, heshiisna uga saxiixatay khatarta dhici karta haddii la badalo dariiqa duulimaadka, ayaa isla maalinitiiba ka mamnuucday diyaarad Puntland laga leeyahay in ay soo caga-dhigaato Addis Ababa.
Dhinaca kaluumaysiga:- Khaliif Ciise Mudan ayaa baryahaan danbe sidii loo magacaabay Dr Faroole oo ay Saxiib DHow ku Yihiin Qandaraasayada Daahsoon ee dhaqaalaha dalka Lagu Baabinayo wuxuu waday Abaabul ah inuu si Hoose Faroole uga dhaadhiciyo in Xeebaha Puntland la Keeno Maraakiib Jariif ah kuwaasi oo Shaati Cusub loo Galiyo sidii Harti Group oo ahayd Tii Sunta ku Shubtay Somaliya Sanadkii 2002- Qorshahaasi ee Khaliif Ciise Mudan Badhitaarayo ayaa ah mid Lagu Dhibaataynayo Ganacsada Yar Yar ee ka Xoogsata Xeebaha sida Kuwa Abuura Kalluun Qasacadeeya.
Khaliif Ciise Mudan oo aan Jeclayn in isaga Mooyaanin aanay Cid kale Cashayn ayaa Bilaabay inuu iska Horkeeno Dawlada uu Madaxda u yahay Faroole iyo Shirkada la sheegay inay iyana ilaaliso Xeebaha Puntland oo uu Aas Aaskeeda iska kalahaa nin Shacabka Puntlnd aad qaali ugu ahaa oo Geeriyooday Marxuun Xiif Ali Taar. Khaliif Ciise Mudan ayaa Faroole ka dhaadhiciyay Qorshe in Shirkadaasi Laga Joojiyo Shaqada……. Dadka ayaa is Waydiinaya Tolow Muxuu ka Rabaa isna Mid Sun Xanbaarsan Buu Dalka Keenaye.
Safarradii Xajka iyo Diyaaradaha uu Wakiilka ka Yahay
Diyaaradda Damal oo ahayd diyaaradda kaliya ee dadka Puntland iyo kuwa goballada dhexe ba ay isku hallayn-jireen, ayaa wakhtiga Xajka u daabuli-jidhey Xujeeyda magaalada Jiddah. Xajkii 1999-kii, ayaa Khaliif wuxuu qaadey Xujeey badan oo Soomaali ah, una badnaa reer Puntland. Sida caadadu ahayd, waxaa Xujayda laga-qaadi jirey kharashka duulimaadka iyo kharashaadka kale ee ku baxa inta ay gudanayaan waajibkooda.  Maadaama shaqaalaha Damal loo sii hormariyay lacagtoodana, ayaga ayuu qorshuhu ahaa in ay  fududeeyaan soo gelinta, socdaalka iyo dhaafinta xujayda.
Nasiib darro, Xujeyda oo markii la isku daro lacagta ay bixiyeen lagu qiyaasay $300,000 ayaan cidina u sameeyn wax tas-hiilaad ah, hadday ahaan lahayd bixinta lacagihii la xiriiray hawl-fududeeynta amaba soo gallida waddanka. Xujaydii waxay ku xayirmeen afar maalmood garoonka diyaaradaha gudahiisa, iyagoo ku khasbanaaday in ay dul seexdaan kuraasta iyo shamiitada garoonka.
Mulkiilaha Damal Airlines, Mudane Khaliif Ciise, ayaa laga raadiyay Dubaay si uu wax uga qabto dhibta Xujayda. Nasiib darro, Khaliif lagama helin Dubaay, ee wuxuu ka sii aadey Malayshiya, si uu uga sii aado Australia oo sharci loogu sheegay; markii la helayna wuxuu ku jawaabay “diyaaradu maba duuli karto, oo ma ay dul mari karto Cummaan.” Damal oo lagu lahaa lacagta dulmarka oo gaaraysa $25,000, loona arko diyaraad ay Puntland leedahay, ayaa waxaa kharashkii bixiyey maamul goboleedka Puntland.
Mudane Khaliif sidii buu ugu soo noqday dalka; wilina lagama-hayo wax tafaasill ah iyo wax xisaab celin ah toonnah.
Hubka iyo Been-abuurka Lacageed
Khaliif Ciise oo aad iyo aad ugu xirnaa Maamulka Cabdullahi Yuusuf, runtiina la oran karo maamulkaaba ka danbeeyay abuuriddiisa iyo maal-galintiisaba, ayaa hadana wuxuu awood u yeeshay inuu noqdo ganacsadaha kaliya ee lagu aamino saxiixii lacagta Soomaliyeed maamulku dhaxlay.
Saxiixaas oo maamulku ku soo daabacay lacago kutala-galku ahaa inay badalaan kuwa sii dhamaanaya, ayaa wakhti yar kaddib waxaa loo gudbiyey ganacsade Maxamed Deylaaf iyo xulufadiisa reer Muqdisho. Intaasna kumaba ekaane, Khaliif Ciise wuxuu arintaas uga sii gudbay daabacaadaha lacagaha been abuurka oo aan cidna loogu aabbo-yeelin, lagu-lana xisaabtamin, sida lawada ogyahayna, lagu furtay dhaqaalihii maatada Soomaaliyeed iyo tii ummadoo dhanba.
Khaliif Ciise oo lagu tiriyo inuu yahay ragga xiriirka  toos ka ah la-leh ‘hoosaska aan la-arag lana maqal’ ee Bariga Dhexe, siiba Yaman iyo dalal kale oo Carbeed; iyo waliba Bariga Yurub, siiba Bulgaariya iyo faracyada dowladdii hore ee Yuguslaafiya, ayaa maamulku qandaraas ku siiyay soo iibinta hubka, ayadoon marnaba la-iswaydiin sida uu Khaliif u-isticmaalay lacagaha iyo hubka faraha badan ee uu mas’uulka ka ahaa soo-iibintooda iyo soo-dejintoodaba. Khaliif oo aad loogu eedaynayo inuu dhagar wayn ka galay dadka reer Puntland iyo ragiisiiba, ayaad mooddaa inuu god walba u galay sidii uu  Raisalwasaare uga Noqon lahaa dalka Somaliya isaga oo Taasi u Maraya  Xidhiidhka Fiican ee uu la Leeyahya Ethiopia iyo Saxiibkiis Faroole.
Soo IIBinta  Hubkii GBB-da
Waxa la hayaa Cadaymo badan oo Muujinayo inuu Qandaraastay   Soo Xawilidii Hubkii ay ku Dagaalamayaan Kooxdii GGB ee uu Hogaaminayay Gen Cade Muuse kaasi oo Loolan Siyaasadeed oo Qoro Caaradiis ah Kula Jiray Coll  C/laahi Yuusuf, Khaliif Ciise Mudan waxa lagu Xantaa oo aad waliba Loogu Leexiyaa inuu Hubka intiisa badan ka Soo IIbiyay Dalka Yeman oo xidhiidh Fiican la lahaa Wakhtigii uu Harti Grop-ka Masuulka ahaa. iyada oo Somaliya ay Wakhti badan Saarnayd Xayiraada Hubka ayuu si Dhuumalaysi ah Hub lagu Dagaalamay oo Colaad Gaabuuray ku Abuuray Beelaha degan PL ka soo Gaday Dalalka Jaarka ah, Ninka Caynkaas ah Ma Loo Dooran karaa Raisalwasaare Somaliya.
Guntii iyo Gaba Gabadii inaan qorno Maqaalka Waxa nagu dhaliyay Markii aanu Aragnay oo ka Xumaan in Shacabka Somaliyeed ee Laabatanka Sano Dhiiga iyo Dagaalka Siyaasadeed Ay Aafeeyeen uu Maalinba usu soo sharaxo Mid ka mid ah kuwii Dumiyay oo Horjeedka u ahaa Qaranimadii Somaliya inay Ceel ku Dhacdo oo Horseedka u ahaa in Qabiilada Somaliya ay Jif Jifi isu laayaan oo ahaa Bud-Dhigayaashii soo Gadi Jiray oo kala Dilaali Jiray Hubka Somaliya Foonfur ilaa Woqooyi lagu Dagaalamayo.
Hadaba Shacaka Somaliyeed iyo inta Danaysa Arimaha Somaliya iyo Aqoonyahanka Somaliyeed waxaan Ku Baraarujinaynaa in Khaliif Ciise Mudan oo aanu Helay Xog Muujinaysa in Saxiibkiisa Dr Faroole iyo Dawlada ay Xidhiidhka Dhow Leeyihiin Ethiopia ay daba ka Riixayaan inuu Raisalwasaare Somaliya u Noqdo, Shacabka Somaliyeed Dan uma ah in Maalin Waliba Danbiil Dagaal ka Keeno Muqsho oo la Caleema Saaro.
October 2, 2010

Afeef:-www.Allssc.com  Masuul kama ah Aragtida Qoraaga

Kala xidhidh Qoraga

Jamamohamud@rocketmail.com

Info@allss.com

Like!
0
allssc Kaligii Duul - Kaligii Duul
allssc has written 4120 awesome articles.

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>