Kulankii Bahda K/Koleyga ee Sweden
Magaalada Stockholm ee Caasimadda dalkaasi Sweden waxaa ka Dhacay shir ballaaran oo looga hadlayay horumarinta kubadda koleyga Soomaaliyeed, iyada oo shirkaasi uu shir guddoominayay Xoghayaha guud ee Olimbikada Soomaaliyeed Abdullahi Axmed Tarabi ayaa waxaa goob joogayaal ka ahaa: guddoomiye ku xigeenada xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Mudane Maxamed Xaaji Cali iyo C/casiis Goodax Barre, La taliyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Mudane Cismaan Shiis , iyo Kaaliyaha xoghayaha guud ee XSKK Mudane Faarax Oday . Sidoo kale waxaa halkaasi joogay Tababarayaal, garsoorayaal iyo cayaartooy maamuus ku lahaa Kubadda koleyga Soomaaliyeed sida: Macallin Sacad Omar Geedi, Macallin Shiino Guhaad , Macallin Aweys Xaaji, Macallin Xasan geela, Garsoore Axmed Diinaash, Garsoore Ilyaas,Garsoore Maxamed Mukhtaar iyo ciyaaryahannadii heerka qaran iyo heerka 1aad ee gabdhaha iyo wiilasha K/koleyga sida: C/raxmaan Salah Matiite,Axmed Muuse Xuseen,Maxamed Sheikh Wali, C/jabaar M. Iimaan, Cabdullahi ,C/casiis low,Abaadir,C/qani Jeenyo,C/rashiid Doobka, C/rashiid,Yaasiin Maaxi,Dhaqaale, Abuukar Jeenyo,Astur Jaamac,Xaawo Taako,Miski Aadan, Shukri Dhalbaas iyo qaar kale oo badan.
Shirarkaasi iyaga ah ayaa qaybihii dambe waxaa daadihinayay Macallin sacad Omar Geedi oo ka tirsanaa halgamayaashii isboortiga Soomaaliyeed , waxaana looga hadlay qodobo aad u faro badan oo ay ka mid ahaayeen:
.Wada shaqaynta xiriirka Soomaaliyeed ee K/koleyga iyo bahda K/Koleyga ee qurbaha.
. Taabo galinta ka qayb galka tartamada ciyaaraha Caalamiga ah sida: Zone 5 ,African games, Arab League,Islamic League, iyo Olympic Games intaba.
. Horumarinta aqoonta maamulka, garsoorayaasha iyo tababarayaasha.
. Furitaanka Khasnad dhexe iyo ururinta dhaqaalaha lagu taageerayo
horumarinta K/Koleyga Soomaaliyeed.
.In Xiriirka Soomaaliyeed ee k/Koleyga soo bandhigo qorsho hawleedkiisa.
. Suurogalnimada in sannadkiiba bahweynta K/koleyga shir isugu yimaadaan.
Ka dib markii muddo dheer la falanqeeyay, lagana arrinsaday sida ugu wanaagsan ee loo dardar galin karo horumarinta K/koleyga Soomaaliyeed, dibna loogu soo celin karo sharaftii iyo karaamadii kubadda koleyga Soomaaliyeed ay ku lahayd caalamka ayaa gunaandkii shirka waxaa la isla gartay
1) In qurba joogta Soomaaliyeed ee K/Koleyga ay taageeraan Xirirrka Soomaaliyeed ee K/Koleyga, xiriirkuna uu soo gudbiyo qorshe sannadeedkiisa waqti hore ha noqoto qorshayaasha ciyaareed ee gudaha iyo dibadda.
2) In xafiiska XSKK, la qalabeeyo,Xoghayna loo sameeyo, taasoo Macallin Shiino Guhaad uu ballanqaaday in ururkiisa ka dhisan London Acton Vale uu hawshaasi fulinteeda ballan qaaday.
3)In laga qayb galo tartamada ciyaareed ee caalamiga ah , lana ururiyo ciyaartooyda wanaagsan ee ku kala firisan daafaha dunida.
4)In la furo Khasnad dhexe oo maamulidiisa loo gartay inay bilaabaan Maxamed Xaaji iyo Dr,Shiis, kaasi oo la doonayo in shakhsi kastaa oo ku abtirsada bahda K/Koleyga uu tabarucaad ahaan u bixiyo afartii biloodba mar $100.00 (Boqol dollar),lana magacaabo shakhsiyaad meelo kala duwan kala jooga oo wakiilo ah.
5)In qurbajoogta K/Koleyga ay sannadkiiba isku yimaadaan, kana arrinsadaan wixii u qabsoomay, hawlaha horyaala ee u baahan in hore loo socodsiiyo.
Short URL: http://allssc.com/?p=61













Asc all mujahidinta ssc ee kal joogah aduunka dacale isa salan ka bacad waxane idin leyah gushi wa dhawa dahaye wada dagaal ka