Bur,Burka Qoysaska Soomaaliyeed ee QURBAHA ku dhaqan maxaa keenay ?
Waxaa mahad iska leh Allaah, Intaa kadib aan u gudo galo Maqaalkeyga sida aan wado ognahay markii Dowlladii dhexe ee Soomaaliyeed ay burburtay,Soomaalida ugu badan waxa ay u qaxday Galbeedka Yurub oo loo yaqaan Western Europe Inta kadib Soomaalida waxa ay ka abuurteen nolol cusub, Balse ma dhicin in la helo dad Soomaaliyeed oo horey uugu noolaa aqoon amase khibrad ka siiya Qaxootiga cusub ee soo galay si ey uula qabsadaan nolasha cusub ee ka jirta meesha ay yimaadeen,
Hadaba intaa kuma ikaan hawsha Soomalida waxa ay durba fahmeen nolasha looga nool yahay meelaha ay joogaan taasina waxa ay saha shay si fudud inay uu la qabsadaan,
Hadaba Qoysaska Soomaaliyeed waxaa ku dhacay dhibaatooyin aan la soo koobi Karin Hanti lunta caruur lunta balse taa waxaa sii dheer, Qooysaska Soomaaliyeed oo Bur,bur ku yimi amase Furiin koodu batay, Tusaale ahaan hadii aan eegno 1990/2000 Waxaa soo badanay hooyo kaligeed nool amase loo yaqaan Single Mother
balse waxaan lays waydiin xagee ka yimi dhibkan, Soomaalidu malaha dad sameeya ( Research ) amase Baaris dhibtan dhacday iyo xalkii loo helaa waayo hadii ay dhici laheyd in la sameeyo Baari waxaa la heli lahaa Jawaab dhab ah waxaana yaraan lahaa Furiinka soo badanaya,
Hadal badan Haan ma buuxsho maxaa laga Faaidey, Burburka Qoyska Maxaa Sababay in Lays Furo In Aabihii uu ka soo bixi waayo xilkii Aabe nimo kadib na hooyadu qaadato Goaan oranaya iska fur kan Aabe ma istaahiloIn hooyadii ay aaminto Dowlad baa ku biisha ee maxaa ninkan qayladiisa ku failIn Aabaha iyo Hooyada ay isku khilaafaan lacgta Dowlada sidaana reerku isku Furaana
In hooyada Dumar kale u sheekayaan nolashiina ay soo dhex galaan dad Fidmo u socda si loo dumiyo qoyskii dhisnaa
Maxaa ku dhacaya Caruurtii Hadii Aabe iyo Hooyo Is FuraanCaruurtii oo ka baxda Schoolka iyagoo haysan wax ka caawiya Casharadii
Caruurta Soomaaliyeed oo noqda kuwa ka gala Danbiyo, Dil, Dhac, Kufsi iyo danbiyo kaloo badan
Caruurta Soomaalida oo ay ku dhacaan Xanuunu xaga maskaxda sida ( Stress_ depression _ Panic _ Mental Disorder_ Anxiety )
Caruurta oo Diintii Islaamka ka baxa iyagoo aan aqoon Islaamka waxa uu yahay si fududna loo gaaleysiiyo
Caruurta Soomaalida oo caba amase barta Alcohol Drugs Cigar Shiisha
Caruurta oo Xabsiyada ka buuxda qaybtood lagu dilo kuwa kale na loo gaysto wax aan halka ku sheegi karin
Fiiro Gaar ahaaneed Hadaba hadii aan xusnay amase sheegnay dhibaatooyinkaan maxaa xal ah amase lagaga bixi kara dhibaatooyin kan jira
In laga gudbo wax walba oo khilaaf ah so loo Bad baadiyo CaruurtiIn laysu sabro sida Diinta Islaamka ay na bareyso si Mustaqbalka loo helo Caruur Soomaaliyeed dalkooda wax tara
In Guntiga loo xirto laysna waaniyo lana helo meelo dadka lagu wacyi galiyo dadka dhibaatada kala tabanaya In
Caruurta Soomaaliyeed loo helo meelo ay ku qaatan waqtiga ay fursada leeyhiin
In la baro caruurta Soomaaliyed Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Sooyaalkii hore
Waxaan ku darsan anigoo OMAR-FAROUQ ah hala doorto Saaxiibo badan oo wanaagsan si dhibtaadu xal u hesho talo fiicana aad u heshid
Hooyoyinka waxaan kula Dar daarmaya inay u sabraan Aabayaasha si caruurto u hesho xaqii AabenimoAabayaasha waxaan oran ka soo baxa xilka Allaah idin saarey idinkoo u naxaya caruurtiina sida Islaamka na farayo
BAL IDINKANA BAHDA WEBKAN MEMBERSKA KA AHEY TALO BIXIYA AAN EEGNO WIXII TALO EEHE LA GUDBOON QOYSASKEENA WAA INTAASO ALLE KU ANFACA DAD BADANE!!!
Short URL: http://allssc.com/?p=171












