AAN BARANO AADAABTA IYO AKHLAAQDA ISLAAMKA
Alle wuxuu mu’miniinta Quraanka kariimka ah ugu sheegay wax-walba oo khary iyo wanaag ugu jiro. Sidoo kale, wuxuu uga digay oo ka reebay wax-walba oo dhibato iyo wax-yeello ugu jirto. Islamarkaasna wuxuu Alle wax-kasta u dejiyey qaanuun iyo
sharci cad oo la raaco iyo xuduud aan la dhaafi Karin.
Banii aadanka dunida ku nool maanta kuma dhacaan inay jabiyaan qaanuunka iyo nidaam maamuleedyada ay dawladuhu samaysteen maxaayeelay ciddii sharciga dhawri wayda markiiba waxaa soo qabanaya ciidamada sharci fuliya. Laakiin baani aadanku sharci Alle u dejiyey badanaa kuma dhaqmaan mana fuliyaan.mana daneeyaan.
Wuxuu Alle ku sheegay aayah 6 ee ku jirta suurat Al-Xujuraat (juz 26)“Kuwa diinta Islaamka ee xaqa ah rumeeyow hadduu qof faasiq ah (faajir) war idiin keeno hubsada (xaqiijiya) maxaayeelay waxaa dhici kara inaad dad warmaqabto ah dhibaato u gaysataan kadiba qoomamaysaan (tiiraanyootaan).
Aayadda 9 wuxuu ku Alle ku sheegay “Hadday labo qolo oo mu’miniin ah diriraan, kala dhex-gala oo heshiisiiya, hadday midi ku xad-gudubto tan kale, lawada dagaalama tan soo xad-dhaaftay ilaa iyo inta ay uga hoggaansanaato amarka Alle, hadday
amarka Alle addeecdo, markaa si-xaq ah ugu garsoora”.
Aayadda 10 wuxuu Alle ku sheegay “mu’miniintu waa walaalo, sidaas awgeed,walaalihiin dhex-gala oo heshiisiiya”.
Aayadda 11 wuxuu Alle ku sheegay “Kuwiina mu’miniinta ahaw yaan rag rag kale yasin (ku jees-jeesin) waxaa dhici karta inayba ka khayr badanyihiin, haweenna haween kale yay yasin la arkee inayba ka khayr badanyihiine, hana ceebaynina naftiina (magaciinna ha xumaynina), hana isugu yeedhina naanays xun, waa wax xun inaad magac fusuqnimo isugu yeedhaan kadib markaad noqoteen kuwo xaqa rumaysan, ciddaan toobad keenin waa kuwo daalimiin ah”.
Ayadda 12 Wuxuu Alle ku yidhi “kuwa Alle rumeeyow iska dhowra wax badan oo ka mid ah malaha maxaayeelay malaha qaarkiis waa dambi, hana is-jaajuusina, hana is-xamanina miyuu midkiin jecelyahay inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah, waa hubaal inaad necebtihiin”.
Aayadda 13 wuxuu Alle dadka ugu sheegay “Dadow waxaan idinka abuuray lab iyo dheddig, waxaanna idinka dhigay shucuub iyo qabaail si aad isu aqoonsataan, ka idiinku sharafka badan Alle agtiisa waa ka idiinku Alle cabsi badan (taqi dhawrsan).
Waa kaa sharciga cad ee Alle dadka usoo dejiyey ee halagu dhaqmo.
Maxamed Cali Daad
mohameddad@hotmail.com
Short URL: http://allssc.com/?p=266













